NISA OO HAWLGALO KA KALA FULISAY MUQDISHO IYO HIIRAAN.

(MUUQAALKA)ASTAAN NISA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka, ayaa labo howlgal oo qorsheysan ka fuliyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta. Howlgalladan ayaa lagu dilay labo xubnood oo kooxda ka tirsanaa, halka dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay saddex horjooge oo kale. Howlgalkii koowaad, oo 10-kii Nofeembar ka dhacay inta u dhexeysa tuulooyinka Kheyraanle iyo Butaale, ayaa lagu dilay horjooge Ismaaciil, oo ahaa madaxii maaliyadda Khawaarijta ee deegaanka Aboorey, iyo Makaraan, oo ahaa darawalkii horjoogaha kooxda ee degmada Maxaas. Waxaa sidoo kale dhaawac culus lagu gaarsiiyay Cabdiraxmaan Cosobow, oo ahaa horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa degmada Maxaas, waxaana lagu burburiyay gaari nooca NOAH ah iyo 50 xabbo oo rasaasta nooca Sabanka ah. Howlgalkii labaad, oo 16-kii Nofeembar laga fuliyay degmada Moqokori, ayaa lagu bartilmaameedsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta, kaddib markii la xaqiijiyay xogta goobta ay ku sugnaayeen. Howlgalkaas waxaa dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay horjooge Bilaal, oo ka tirsanaa qaybta baadda ee kooxda, iyo horjooge Mahad, oo ka tirsanaa qaybta dhagarta ee Khawaarijta. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxay sii wadi doontaa howlgallada qorsheysan ee lagu beegsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta, laguna burburinayo awooddooda, si looga hortago dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed. Dhinaca kale, waxaa maanta magaaladda Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda lagu dilay mid ka mid ah Alshabaab maalmahaan hawlo amni darro ka weday degmooyinka G/Banaadir. Waxay ahaayeen laba ka tirsan Amniyaatka ALshabaab waxa ey horay laba qofood ugu soo dileen degmooyinkka Hodan iyo Daarusalaam ee G/banaadir, maanatane waxa ey toogteen askeri ka tirsan dharcadda xaafadda Xamar Jadiid, waxaane la qabtay mid halka kan kale la dilay.

ISHA-NISA.


Previous
Previous

QAXOOTIGA YURUB KA SOO GALA BADDA OO 20% KOR U KACAY.

Next
Next

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI KULUL U WEERARAY DALKA IMAARAATKA CARABTA.