NISA OO HAWLGAL KU DISHAY HORJOOGE SARE OO ALSHABAAB AH.
(MUUQAALKA)-ASTAANTA NISA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in ciidamadeedu, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay hawlgal qorshaysan ka fuliyeen deegaannada Guulane iyo AL-Furqaan ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Sida lagu sheegay war kasoo baxay NISA, hawlgalka ayaa lagu dilay horjooge iyo saddex maleeshiyaad ah oo ka tirsanaa AL-Shabaab, halka mid kale lagu dhaawacay. NISA waxay sheegtay in hawlgalku dhacay xilli xubnaha la beegsaday ay kasoo baxeen kulan ka dhacay deegaanka Guulane. Hay’addu waxay magacawday horjoogaha la dilay inuu ahaa Cumar Siyaad Caraaye, kaas oo, sida ay sheegtay, AL-Shabaab u qaabilsanaa arrimaha qabaa’ilka iyo xiriirka uu kooxda la leeyahay qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in hawlgalka lagu dilay laba dagaalame oo watay mootooyinka ay saarnaayeen horjoogeyaasha iyo qof kale oo ilaalo u ahaa. Cabdi Maxamed Nuur, oo NISA ku sheegtay inuu ka tirsanaa horjoogeyaasha kooxda u qaabilsan dhinaca qabaa’ilka, ayaa lagu dhaawacay hawlgalka, sida lagu sheegay warbixinta. Hay’addu waxay intaas ku dartay in bartilmaameedyada ay si dirqi ah uga badbaadeen Cabdullaahi Cali Caraaye iyo Cabdi Daalane, oo ay ku tilmaantay xubno ka tirsanaa horjoogeyaasha la beegsaday. NISA waxay sheegtay in hawlgalladan ay qayb ka yihiin howlgallo joogto ah oo lagu beegsanayo hoggaanka iyo shabakadaha AL-Shabaab, iyadoo ujeeddadu tahay, sida ay hay’addu sheegtay, in la wiiqo awoodda kooxda ee abaabulka iyo weerarrada ka dhanka ah shacabka, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa sidoo kale ugu baaqday shacabka inay la wadaagaan hay’adaha amniga xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab iyo Daacish.
ISHA-HOL.