NISA OO GACANTA KU SOO DHIGTAY ALSHABAABKII UGU BADNAAY ABID.
(SAWIR)-KA ALSHABAABKII LAGU SOO BANDHIAY BAYDHABO.
(BAYDHABO)-Wararka ka imaanyo caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfu Galbeed Soomaaliya ee Baydhabo ayaa sheegaayo in Taliska Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NSA ee maamulkaasi uu magaaladda Baydhabo maanta ku soo bandhigay 12-xubnood oo ka tirsan kooxda AL-shabaab kuwaaso ciidamdu ey gacanta ku soo dhigeen. Xubnahaan la soo qabtay kana tirsan Alshabaab ayaa laga soo wada qabtay magaaladda Baydhabo iyo degaanadda ku xeeran ka dib markii ciidanku hawlgalo balaaran bilihii la soo dhaafay ka wadeen magaaladda Baydhabo iyo degaanadda hoos yimaado. Xubnaha ey NISA soo qabatay ayaa kooxda Alshabaab u kala qaabilsanaay qaadista lacagaha baada ah ee laga qaado dadka shacabka ah iyo Jabhadaha. Ciidanka NISA ee ka hawlgala maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa hawlgalo ka wada guud ahaan degaanadda maamulka kuwaaso lagu xaqiijinaayo Amniga degaanadda KGS.
ISHA/CAASIMADDA.