NISA AYAA SHEEGTAY IN LAGU DILAY G/SH/DHEXE 12-XUBNOOD OO AL-SHABAAB AH.
(MUUQAALKA)-ASTAANTA NISA.
(MOGADISHU/SOMALIA)-Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Buur-Saruur ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan AL-Shabaab. NISA ayaa sheegtay in hawlgalku ka dhacay deegaanka Buur-Saruur, oo qiyaastii laba kiiloomitir dhanka koonfur-bari kaga beegan Cali-Gaduud, halkaas oo ay hay’addu tilmaantay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan AL-Shabaab. Sida ay NISA sheegtay, hawlgalku waxaa sidoo kale lagu burburiyay saanad iyo goobo ay kooxda u adeegsan jirtay howlaheeda, iyadoo ciidamadu ay sii wadaan baacsiga xubno ka tirsan AL-Shabaab oo ka haray goobta. Hawlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Soomaaliya ay kordhiyeen howlgallada ay xogta sirdoonku hoggaaminayso ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. NISA ayaa horraantii bishan sheegtay in hawlgal ka dhacay deegaannada Guulane iyo AL-Furqaan lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa AL-Shabaab iyo saddex dagaalyahan oo kale. Bishii Agoosto, hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in hawlgal ka dhacay deegaanka Fiidow lagu bartilmaameedsaday guri ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda. Sidoo kale, bishii Luulyo, duqeyn cirka ah oo ka dhacday Aadan-Yabaal ayaa lagu dilay, sida ay masuuliyiintu sheegeen, 11 hoggaamiye oo AL-Shabaab ah, oo uu ku jiray taliyihii kooxda ee gobolka Shabeellaha Dhexe. NISA ayaa sidoo kale sheegtay in bishan Sebtembar ay Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku qabatay 11 qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin AL-Shabaab.
ISHA-HOL.