(MUUQAALKA)-St.Paul boolis.
(St.PAUL/MNN)-Wararka laga helaayo Gobolka Minnesota ee dalkaasi Maraykanka ayaa sheegaayo in Waaxda Booliska ee St.Paul ey sheegtay iney baarayaan dhacdo toogasha ah taasoo sababtay dhimashada hal qof. Ciidamadda booliska ayaa looga yeeray aaga 700-aad ee wadada 6th Street saacadu markeey ahayd 6:45-fiidnimo, waxaane booliska loo sheegay in goobta laga maqlay rasaas aad u fara badan. Ciidamdu markii ey soo gaareen goobta ey ka dhacday toogsahada ayey arkeen nin ey xabad ku dhacday kaasoo loola carary isbitaalka si loogu daweeyo. Nasiib darro, inkastoo ninka dhaawacmay loo fidiyey daryeel caafimaad hadana waxa uu u geeriyooday dhaawacyaddii soo gaaray. Ciidamadda booliska ma eysan helini dhibanayaal kale ama tuhmanayaal intii uu socday baaritaanka dhanka amniga ah. Ugu dambeyntii hayadaha amniga ee St.Paul ma jirto cid ey u soo xireen dhacdadaan uu qof ku geeriyooday. Waaxda booliska ee St.Paul, waxa ey weli wadaa baaritaan la xiriiro toogashada,waxaane la filaa in baaritaan lagu sameyn doono Meydka(AUTOPSY) si, si dhab ah loog aqoonsado ninka dhintay isla markaasne loo ogaado sababta dhabta ah ee keentay inuu geeriyoodo.
ISHA-MNN.