MW.LAFTAGAREEN OO MAANTA ISKU CAANA SHUBAY.
(SAWIRKA)-LAFTAGAREEN.
(BAYDHABO/KGS)-Wararka aan ka heleyno caasimadda ku meel gaark ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka dhacday Doorasho hal dhinac ah taaso sida la sheegay ey musharaxiin ka ahaayeen masuuliyiintii horay xilalka u heysay. Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Md.Dr.Cali Sciid Fiqi ayaa mar kale waxaa loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Seddexaad ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dib markii uu ka adkaaday ninkii la tartamaayey oo ah Diinki Sheekh Xasan, labadaan Musharax ayaa ka soo wada jeeda Beesha Digil ee degta Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan Beesha Tuni. Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ayaa waxaa u tartamay laba Musharax oo Dumar ah kalana ah: (1)-Shamsa Maxamed Barraw(Reer Baraawe). (2)-Jamaalo Axmed Xuseen(12-Koofi), waxaane guuleysatay Shamsa Maxamed Yaraw. Intaas ka dib, Xildhibaanadda ayaa waxaa horyimid Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha DG Koonfur Galbeed Soomaaliya, xilkaan ayaa waxaa u tartamaayey Madaxweynihii Hore KGS Md.C/casiis Xasan Maxamed Lftagareen iyo Wasiirkiisii Arrimaha Gudaha Md.C/laahi Xaajo Xasan Madnuur. Tartanka Madaxtinimada KGS ayaa waxaa ku guuleystay Madaxweynihii hore Md.Laftagareen kaaso helay 66-cod halka uu Musharax C/laahi Xaaji Xasan uu helay 13-cod kaliyah. Lama sheegin wax cod ah oo halaabay iyo iney jiraan Xildhibaano ka aamusay oo diidy iney codkooda bixiyaan, waxaane maqan ilaa 16-cod oo aan la sheegin halka ey qabteen.
ISHA-SUUQ-BACAAD MEDIA/BAYDHABO.