MW-XASAN SHEEKH:70-DEGAAN AYAAN KA MAROOJINAY…
(SAWIRKA)-MWPXASAN SHEEKH OO KHUDAB KA JEEDIYEY GOLAHA AMAANK EE QARAMADA MIDOOBE.
(SOMALIA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka hor jeediyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe isaga oo Codsi xoogan u jeediyey Golaha,codsiga Madaxweyne Xasan ayaa ku aadan in Goluhu ka qaado Soomaaliya Cunaqabateynta hubka ee saaran tan iyo sannadkii 1992-kii. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe u sheegay”Waxa aan garawsanahay in Alshabaab oo laga adkaado ey u baahan tahay qorshe dhinacyo badan leh oo ey ugu horeyaan ciidamo tayo iyo awood leh,dhismo dawladeed oo loo dhan yahay iyo in dawladu ey waood u yeelato bixinta adeegyada aasaasiga ah ee shacabka. si ey u garsiiso dalka nabad waarta iyo barwaaqo”. War saxafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale faahfaahin lagaga bixiyey qodobada kale ee uu Madaxaweyne Xasan Sheekh ku xusay khudbadiisa waxaane qodobadaasi ka mid ah:
(1)-Amniga: Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku sheegay guulo wax ku ool ah oo ku aadan horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisad Alshabaab,waxa uuna sheegay Madaxweyne Xasan in sannadkii la soo dhaafay 2022-kii laga xoreeyey gacmaha argagixisada Alshabaab in ka badan 70-degaan taaso fududeysay isu socodka dalka ee Waqooyi iyo Koofur gaar ahaan dhul beereed balaaran oo hodan ah. “Iyadoo la xoojiyey weerarada ciidanka ee ku aadan dabar-goynta argagixisada Alshabaab iyo in la cuuryaamiyo dhaqaalahooda sirdoon ahaan,waxaane ku guulaysanay in hoos loo dhigo falalkooda guracan oo ey ka fulin jireen Caasimadda Muqdisho”.
(2)-CUNAQABATEYNTA HUBKA WAA CAQABAD AMNI: Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey in cunaqabateynta hubka ey noqotay caqabad halkii ey ka ahaan lahayd waxtar,”In kastoo aanu ku talaabsanay horumar la taaban karo,hadane geediga aan ku jirno ee ah xaqiijinta Soomaaliya nabdoon oo barwaaqa ah waxaa ku hor gudban caqabad adag oo ah Cunaqabateynta hubka ee Qarankeeyna lagu soo rogay sannadkii 1992-kii. sidaas awgeed,waxaan si cad hoosta uga xariiqayaa in Soomaaliya hadda 2023-ka ahayn Soomaalidii shalay(1992)-kii.”
(3)-QAADISTA CUNAQABATEYNTA HUBKA: MW-Xasan Sheekh ayaa mar uu ka hadlaayey talaabada loo qaaday in lagu maareeyo hubka iyo rasaasta dalka,waxa uu ka codsaday ergada in ey gacan ku siiyaan baaqa ah in gebi ahaanba laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya”Marka aad sidaas sameysaan waxaad awood noo siineysaan inaan xaqiijino madaxbanaanideyna” ayaa lagu soo gabagabeeyey Warsaxaafadeedka.
ISHA WARKA VOA-SOMALI.