MW-XASAN SHEEKH OO KUOAN XASAASI AH LA YEESHAY GUDIGA DASTUURKA.

(SAWIRKA)-GUDOONKA LABADA AQAL EE BJFS.

(MUQDISHO)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jmahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud, uu maanta kulan gaar ah la yeeshay Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa uuna kulankan uu socday ku dhowaad labo saacadood, isagoo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah, ayaa waxaa dhinaca Xildhibaanaadda Baarlamaanka ee ka tirsan Gudiga hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka, Xildhibaan Xuseen Iidoow, waxaana diiradda lagu saaray dardargelinta wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah ee dalka. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu Guddiga ka dalbaday saddex arrimood oo waa-weyn kalana ah:

(1)-In Guddiga Dastuurka ay ka codsadaan Guddoonka Baarlamaanka in dib loo dhigo fasaxa Baarlamaanka, lana kordhiyo muddo hal bil ah oo shaqo adag ah si loo dhammeystiro howlaha dastuurka.

(2)-In la diyaariyo wax-ka-beddelka Dastuurka, iyadoo Madaxtooyadu si rasmi ah u soo gudbin doonto qodobada la beddelayo, kuwaas oo la sheegay inay ka kooban yihiin labo cutub oo muhiim ah oo ka mid ah Dastuurka balse aan la sheegin kuwa ey yihiin.

(3)-In muddo kooban gudaheed wax-ka-beddelkaas lagu horgeeyo Golaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si dood rasmi ah loogu furo, ka dibna cod loogu qaado.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu horey Gogol Wadatashi Siyaasadeed ugu fidiyay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan Hoggaamiyeyaasha Maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo si cad u muujiyay shaki iyo walaac la xiriira habka iyo waqtiga wax-ka-beddelka Dastuurka. Arrintan ayaa abuureysa jahwareer siyaasadeed, maadaama dhinacyadaasi ay dalbanayaan wadatashi ballaaran, heshiis qaran iyo in aan lagu deg-degin go’aamo masiiri ah. Sidoo kale talaabadan ayaa culeys hor leh ku yeelan karto wada-hadallada mucaaradka, kuwaas oo haatan shir ugu socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, islamarkaana ka arrinsanaya jawaabta ay siinayaan dowladda Soomaaliya ee ku aadan casuumada ay fidisah Xukuumadda. Mucaaradka iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan Madaxweynaha ayaa laga filan karaa, Inay qaadacaan ansixinta dastuurka haddii aan wadatashi buuxa la helin, waxaa ayna cadaadis siyaasadeed ay ku kordhin karaan dowladda. Sidoo kale waxaa qaadi karaan talaabado seddexaad oo ah inay raadiyaan dhex-dhexaadin caalami ah si loo hakiyo geeddi-socodka wax-ka-beddelka Dastuurka. Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sii adkeysto dhammeystirka Dastuurka isagoo aan helin is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran, waxaana ka dhalan kara qodobadan soo socda:-

(1)-In dalka uu gali karo jahwareer siyaasadeed oo saameeya xasiloonida guud.

(2)-Inay hoos u dhaci karto Kalsoonida dowladnimada iyo hay’adaha dastuuriga ah.

(3)-Iyo in Doorashooyinka iyo hannaanka dowladnimo ay wajahaan dib u dhac iyo muran sharciyeed. Kulanka maanta dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka wuxuu caddeyn u yahay in dowladdu ku deg-degeyso dhammeynta dastuurka, sida ay qabaan siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda hanaanka uu wax u wado dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Dhinaca kale,waxaa weli taagan ismari waaga u dhexeeyo Mucaaradda DFS kuwaaso isku heysto Hogaanka Mucaaradka, horay waxaa loogu diiday inuu qabto Ex.Mw-Sheekh Shariif waqtigii uu socday shirkii, waxaane is hortaagay Madaxnimada Sheekh Shariif Reysal Wasaareyaal hore Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble iyo xildhibaan C/raxmaan C/shakuur, balse arrinkaan ayaa loo macneeyey in gacmo shisheeye iney ku lug leeyihiin kana dambeeyaan is horaatag Shariifka, kulanka hadda ka socdo Nayroobi ayaa ah mid dhexdhexaadin ah ee ma aha mid go’aamo masiiri ah laga soo saarayo waqti dhaw waayo Deni iyo Shariifka ayaa Xurguf aad u xun ey dhextaal taaso ka dhalatay fadhigii Kismaayo ee lagau diiday in Shariif noqdo Hogaamiyaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. LA SOCO.

XIGASHO-RISAALA.

Next
Next

XAFIISKA QARAMADA MIDOOBE EE SOOMAALIYA OO TAAGEERAY….