MW-XASAN SHEEKH OO HAWLAHA IMAARTKU KA WADO SOOMAALIYA KU SHEEGAY SHARCI DARRO.

(MUUQAALKA)-MW-XASAN SHEEKH.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dhaqdhaqaaq kasta oo Imaaraadka Carabtu ka wado gudaha Soomaaliya aanu haysan sharciyad, ka dib markii dowladda federaalku ay baabi'isay heshiisyadii difaac iyo iskaashi amni ee kala dhexeeyay Abu Dhabi. Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay Sky News ayaa sheegay in Soomaaliya ay hore Imaaraadka ula lahayd heshiisyo dhinaca difaaca iyo amniga ah, balse dowladda federaalku ay heshiisyadaas joojisay, sidaas darteedna aanay jirin wax sharciyad ah oo ay ku salayn karaan hawlgallada uu Imaaraadku hadda ka fulinayo gudaha dalka. “Waxaan dhihi karaa waxaan hore u lahayn heshiis difaac iyo amni oo aan la galnay Imaaraadka, balse heshiiskaas waa la baabi'iyay. Sidaas darteed, dhaqdhaqaaq kasta oo Imaaraadku hadda ka wado gudaha Soomaaliya waa sharci-darro," ayuu yiri madaxweynuhu. Hadalkan ayaa imanaya xilli xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi uu mugdi galay, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay bishii Janaayo 2026 ku dhawaaqday inay burisay dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka, kuwaas oo ay ku jireen iskaashiga amniga, difaaca iyo heshiisyada dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo. Khilaafka labada dhinac ayaa salka ku haya eedeymo la xiriira faragelin Imaaraat-ku ku sameeyay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, iyo xiriirka Imaaraadka uu la leeyahay Somaliland. Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabadaas ku sababaysay xog iyo caddeymo ay sheegtay inay muujinayaan falal wax u dhimaya madax-bannaanida dalka. Imaaraadka Carabta ayaan xilligaas si degdeg ah uga jawaabin eedeymaha dowladda Soomaaliya, halka Puntland iyo Jubbaland ay diideen go'aanka Muqdisho ee baabi'inta heshiisyada, iyaga oo ku adkaystay sii socoshada iskaashigooda Imaaraadka.

XIGASHO-HOL.

Next
Next

NIN SOOMAALI AH OO KU JIRA QAXOOTIGA DALKA IRLAND OO MINDI LAGU DILAY.