MW-XASAN SHEEKH OO GAARAY BRUSSELS.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO CHARLES MICHEL.

(BRUSSELS)-Wararka aan ka helayno caasimadda dalka Biljam ahne xarunta Ururka Midawga Yurub ayaa sheegaayo in halkaasi uu maanta gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi balaaran uu hogaaminaayo uuna ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Md.Abshir Huruse,Madaxweynaha ayaa halkaasi uga qeybgeli doono shir ey isugu imanayaan madaxda caalamka eyna kaga qeybgelayaan Brussels shir u dhexeeyo Wadamadda soo Korayo iyo Wadamadda ka tirsan Midawga Yurub,Ujeedada shirka Brussels ayaa ah in iskaashi uu dhexmaro Wadamadda soo Korayo iyo Wadamadda Midawga Yurub. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu la kumi doonaa Madax kala duwan oo shirkaasi ka qeybgeleysa,sidoo kale,Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka Brussels waxa uu ku soo bandhigi doonaa Aragtida iyo Hiigsiga Dawladda Federaalka Soomaaliyaiyo guud ahaan qorshaha ey Dawladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dhexmaraya Wadamadda soo korayo iyo Wadamadda Midawga Yurub. Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu khudbad ka jeedin doonaa shirka u dhexeeyo Wadamadda Midawga Yurub iyo Wadamadda soo Korayo isago ka warami doono Horumarka kala duwan ey Dawladda Federaala Soomaaliya ka gaartay dhinacyada kala duwan,waxa uuna Madaxweynuhu dulmari doonaa dagaalka ey Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo shacabka ey kula jiraan Khawaarijta isla markaasne guulaha laga gaaray dagaalka socda.

ISHA/VILLA SOMALIA.

Previous
Previous

DENI UU XAALKA KU XUN YAHAY.

Next
Next

WEERAR CIRKA AH OO LALA BEEGSADAY BU’AALE.