MW-XASAN SHEEKH OO BOOQASHO SHAQO KU GAARAY ITOOBIYA.
(MUUQAALKA)-MW-XASAN IYO ABIY.
(ADDIS ABEBA/ETHIOPIA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaasi oo uu kulan muhiim ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi, Mudane Abiy Axmed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashiga dalalka gobolka si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika. Booqashadaan ayaa ah mid ku beegantay waqti ey Itoobiya ka jiraan dagaalo aad u culus una dhexeeyo Dawladda iyo kooxaha Mucaaradka,wararka ayaa sheegaayo in Itoobiya ey maanta Soomaaliya uga baahan tahay kaalmo dhinaca amniga ah laguna garab istaago dagaalka ey kula jirto xoogaga mucaaradka hubeysan. Dhinaca kale, Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyadana cabasho ka ah kooxda hubeysan ee dagaalka ku heyso magaaladda Baydhabo ee DG KGS, kooxdaaso uu hogaaminaayo Madaxweynihii hore ee KGS Laftagreen, waayo DFS waxa ey aaminsan tahay in Itoobiya ey gacan ku leedahay dagaaladda ku soo noqnoqday magaaladda Baydhabo isla markaasne ey Itoobiya ey gacan ka geysan karto joojintooda.
ISHA-SNTV.