MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO BOOQDAY SAFAARADA SOOMAALIYA EE ALJERIS.
(SAWIRKA)-GUDAHA SAFARADDA SOOMAALIYA.
(ALJERIS/ALJERIYA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, isagoo ka xogwareystay diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Safaaradda oo uu hoggaaminayo Danjire Yuusuf Axmed Xasan. Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee safaaradda Aljeeriya ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay guulaha dublumaasiyadeed iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal oo ay xaqiijisay Safaaraddu markii dib loo furay bilowgii sannadkan 2025. Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa qeyb ka ahaa wafdiga Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee booqday safaaradda, wuxuuna Madaxweynuhu Safiirka iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Aljeeriya ku adkeeyey in ay labo jibaaraan shaqooyinka baaxada leh ee ay Safaaraddu u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna doorkooda ka qaataan dhaqan gelinta heshiisyada iskaashi ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Aljeeriya. Dhinaca kale,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ubax dhigay Taallada Shuhadada dalka Aljeeriya oo lagu xasuusto halyeeyadii u nafwaayey halgankii xornimada iyo difaaca dalkaas, isagoo muujiyey taariikhda halgan-wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka mid ahaa dalalkii ka wada shaqeeyey xornimadii Afrika. Madaxweynaha oo maalinti labaad ku sugan dalka Aljeeriya ayaa booqday Masaajidka weyn ee Jaamaca Aljeeriya, halkaas oo uu kula kulmay culimada dalkaas oo guddoonsiiyey xasuus reeb ku aaddan booqashada Madaxweynaha, iyagoo la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan fikirka argagixisadu ay ku bannaysanayaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale,Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Warshadda Daawooyinka dalka Aljeeriya iyo Xarunta Garaadka Macmalka ah ayaa warbixino ku saabsan waxsoosaarka iyo adeegyada xarummahan waxa uu ka dhegeystay Maamulka iyo Agaasinkooda.
XIGASHO-SNTV.