MW-XASAN OO GAARAY NAIROBI KANA QEYBGELI DOONO…

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO DANJIRE JABRIIL.

(NAIROBI)-Wararka ka imanayo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hogaamniaayo ey gaareen magaaladda Nairobi ee dalka Kenya,Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa halkaas kaga qeybgelaayo shir ey isugu imaanayaan Madaxda caalamka meertadiisii lixaad ee Qaramada Midoobe kuna saabsan isbedelka Cimiladda adduunka,shirkaan ayaa looga arrinsan doonaa dhibaatooyinka xoogan ee caalamka ka soo food saaray dhanka cimiladda taaso si gaar ah u saameysay raadne ku yeelatay nolosha shucuubta ku nool wadamadda soo koraayo ey Soomaaliya ka mid tahay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedin doono shirka ayaa la filaa inuu soo bandhigi doono saameynta xooogan ee ka soo gaartay dadka iyo degaanka Soomaaliyeed isbedelka xoogan ee ku yimid Cimiladda,Madaxweynaha ayaa muujin doono dadaalka ey Dawladda Federaalka Soomaliya ey ku wajahayso Abaaraha iyo Fatahaadaha soo noqnoqday. Dalka Soomaaliya ayaa ku hawlan sidii uu isaga dulqaadi lahaay Argagixisada Alshabaab ee caqabadda ku noqotay nolosha dadka Soomaaliyeed ee u baahan kaalmada bani’adanimo kuwaaso u nugul Abaaraha, Fathaadaha iyo Roobabka wata dabylaha,DFS ayaa dooneyso in caalamku uu ka qeyb qaato sidii xal waar looga gaari lahaay dhibaatada isbedelka Cimiladda. MW-Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi waxa uu kulano la qaadan doonaa qaar ka mid ah Madaxda iyo Masuuliyiinta ka soo qeybgashay shirka si uu xoojiyo doorka dalkeenu uu ku leeyahay qorshaha caalamiga ah ee ka hortaga isbedeladda cimiladda adduunka iyo hiigsiyadda horumarineed ee heer Qaaradeed.

ISHA/VILLA SOMALIA.

Previous
Previous

MUQDISHO: SHIR LOOGA HADLAAYO NABADDA OO KA FURMAY…

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO SHIR GUDOOMIYEY…