MW-TRUMP OO SOOMALIDA MARAYKANKA JOOGTA KU SHEEGAY QASHIN.
(SAWIRKA)-TRUMP IYO ILHAN.
(USA)-Hadalo fiiqan oo dhaliyay muran baahsan oo ka dhacay dalka Mareykanka, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar toos ah ku qaaday xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, isagoo ku tilmaamay iyada iyo dadka ku dhow dhow inay yihiin "qashin", taasoo muujineysa in dalku uu ku jiro "meel halis ah" sababtoo ah wax uu u arko soo galitaanka "waxyaabo aan loo baahnayn". Trump waxa uu yiri “Dalkeenu waxa uu marayaa meel isbedel ah,waxa laga yaabaa in aanu ku dhacno meel simbiriirixan leh...waxa aanu maraynaa wado khaldan hadii aan sii wadno in aanu wadankeena soo galino qashinka”. Ka dib waxa uu weerar ku qaaday Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, isaga oo yidhi “Ilhaan Cumar waa qashin, waa qashin, saaxiibadeed waa qashin, dadkani maaha dad shaqeeya... dadkani waxa ay sameeyaan wax aan ahayn cabasho”. Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa erayo qallafsan u adeegsaday dadka soogalootiga ah ee dhaleeceeya Mareykanka: “Marka ay cadaabta ka yimaadaan oo ay cawdaan oo aysan wax kale sameynin oo aan ka ahayn, dooni mayno inay dalkeena joogaan. Ha ku laabtaan meeshii ay ka yimaadeen oo ha ku hagaajiyaan”.
KORDHINTA OO KU SOO BEEGANTAY IYADOO LA ADKEEYEY SIYAASADAHA SOCDAALKA:
Hadalka Trump ayaa imaanaya xili maamulkiisu uu ku sii siqayo adkeynta nidaamka socdaalka oo aan horay loo arag,kadib weerarkii Washington ee uu fuliyay Qaxooti Afgaanistaan ah oo lagu dilay mid ka mid ah ilaalada Qaranka mid kalena lagu dhaawacay. Maamulku wuxuu qaaday tillaabooyin degdeg ah oo taxane ah, oo ay ku jiraan joojinta socodsiinta dhammaan socdaalka, jinsiyadda, iyo codsiyada magangelyo ee muwaadiniinta 19 waddan ee ku taxan "wadamada walaaca leh," joojinta fiisaha iyo wax kala iibsiga dadka Afgaanistaan oo dhan, iyo dib-u-eegis kumanaan faylal ah oo helay oggolaansho intii lagu jiray maamulka Biden, gaar ahaan muwaadiniinta waddamada ay dabooleen xannibaadaha cusub. Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Mareykanka ayaa sidoo kale soo saartay qoraal rasmi ah oo ay ku xaqiijineyso in joojinta ay ku jiraan dhammaan noocyada faylalka, waxaana kaliya lagu qaadi doonaa go’aan cusub oo ka soo baxa agaasimaha wakaaladda. Tallaabooyinkan ayaa ka tarjumaya mawqifka adag ee maamulka Trump ee ku aaddan socdaalka, ka dib eedaymaha weerrarka Washington, oo ah qaxooti soo galay Mareykanka 2021, dilka xubin ka tirsan Ilaalada Qaranka. Maamulku waxa uu dhacdadan u adeegsaday in uu ku riixo xannibaado xad-dhaaf ah oo ku saabsan socdaalka iyo jinsiyadda, isaga oo ku doodaya in "amniga qaranku uu u baahan yahay dib-u-eegis aasaasiga ah ee siyaasadaha ogolaanshaha.
XIGASHO-AA.