MW-LAFTAGAREEN OO KU DHAWAAQAY INUU XIRIIRKA U JARAY DFS.
(SAWIRKA)MW-LAFTAGAREEN.
(BAYDHABO/KGS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ku dhawaaqay in maamulkiisa uu jaray xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Laga bilaabo maanta wax xiriir ah nagama dhexeeyo dowladda federaalka ilaa laga keeno wax Soomaali isku raacsan tahay,” ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Galbeed oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay faragelin ku hayso maamulkiisa, taasoo uu sheegay inay halis gelinayso nidaamka federaalka iyo midnimada dalka. Laftagareen wuxuu sheegay in safarkiisa uu la kulmay caqabado iyo jidgooyooyin badan, balse ugu dambeyn uu gaaray magaalada. Wuxuu ku eedeeyay dowladda dhexe inay si ula kac ah u waddo qorshe lagu wiiqayo maamulka Koonfur Galbeed. “Waxaan si adag u cambaareynaynaa falalka lagu kala qeybinayo bulshada, laguna burburinayo nidaamka federaalka,” ayuu yiri. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay faragelin ku hayso arrimaha amniga, isla markaana ay isku dayayso inay kala qeybiso ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee la dagaallamaya Al-Shabaab. Laftagareen wuxuu si cad uga horyimid wax-ka-beddelka dastuurka, isagoo sheegay in dastuurka ku meel gaarka ah ee la ansixiyay sanadkii 2012 uu yahay kan keliya ee sharciyadda leh. Wuxuu ku tilmaamay dastuurka cusub mid aan loo dhamayn, isla markaana lagu meel mariyay habraac uu ku tilmaamay mid musuqmaasuq iyo dano gaar ah ku saleysan. Sidoo kale, wuxuu sheegay in duulimaadyo loo diiday inay gaaraan Baydhabo, isla markaana shacabka Koonfur Galbeed lagu soo rogay xannibaado socdaal. Wuxuu ku eedeeyay maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde inuu noqday “isbaaro siyaasadeed” oo dadka lagu kala xusho aragtidooda. Wuxuu ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed inay u diyaar garoobaan difaaca deegaankooda iyo dowladnimadooda, isagoo ku booriyay inay mideysnaadaan. Dhanka kale, Laftagareen ayaa ugu baaqay beesha caalamka, oo ay ku jiraan Midowga Afrika iyo IGAD, inay si degdeg ah u farageliyaan xaaladda Soomaaliya.
ISHA-HOL.