MW-ISMACIL CUMAR GEELLE OO EEDEYN U JEEDIYEY IMAARAATKA.
(SAWIRKA)-MW-ISMAACIIL CUMAR GEELLE.
(JABUTI)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si kulul u canaantay dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo ku eedeeyay dowladda Imaaraadka Carabta iney maal-gashiyo balaayiin dollar ah ku bixiso Afrika, si ey u daaha uga qaaddo ballaarinta milateriga. Madaxweyne Geelle ayaa wareysi uu dhawaan siiyey Radio France Internationale waxa uu ku sifeeyey ololaha maalgashiga Imaaraadka ee 110-ka bilyan ee doolar ah ee Qaaradda oo dhan inuu yahay Xeelad istaraatiiji ah oo lagu ballaarinayo Awoodda Ciidamada isagoo huwan horumar dhaqaale. "Imaaraadku waxay si qoto dheer u carqaladeynayaan Xasilloonida Gobolka," ayuu yiri. Hadalka Madaxweynaha ayaa muujinaya xasillooni ka jirta qaybo ka mid ah Afrika oo ku saabsan qaabka laba-isticmaalka maalgashiga shisheeye, gaar ahaan qaybaha muhiimka ah ee kaabayaasha sida Dekedaha, Saadka, iyo Isgaarsiinta. "Maalgashiyadani maaha kuwo dhaqaale oo keliya," ayuu yiri. "Waxay ku xiran yihiin ujeeddooyin Milatari oo khatar gelinaya Madax-bannaanida iyo Xasilloonida waddamada Afrika." Waxa uu shaaca ka qaaday in Jabuuti ey horey u diiday codsi uga yimid Imaaraadka oo ahaa in saldhig Milatari laga sameeyo dhulkeeda. Diidmadaas ka dib, ayuu sheegay in Imaaraadku uu dadaalkiisa u weeciyey dalalka deriska ah sida Soomaaliya Eritereeya iyo Yeman,isaga oo raadsanaya dhul istaraatiiji ah oo ku aaddan marinnada muhiimka ah ee badda. Jabuuti, oo ku taal afka badda cas, waxay martigelisaa saldhigyo ciidan oo ka socda dhowr quwadood oo Caalami ah, oo ey ku jiraan Mareykanka, Faransiiska, Shiinaha, iyo Japan. Imaaraatka Carabta ayaa hadda saldhig ciidan oo aad u weyn waxa ey ku leedahay magaaladda Boosaaso ee G/bari ee DG Puntland, waxa eyna dawladda Imaaraatka dooneysaa iney isku ballaariso marinadda muhiimka u ah Ganacsiga ee wadamadda Bariga Afrika. Dhinaca Siyaasadda Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa hadda u muuqata mid qalalaase Siyaasadeed ka abuureysa dalka Soomaaliya oo la daalaa dhacaayo dhibaato dhaqaale iyo mid Argagixiso,waxayna abuurtay koox Mucaarad ku ah DFS eyna qeyb ka yihiin Madaxdii hore ee dawladihii soo maray Soomaaliya,lama oga waxa ey ku dambeyn doonto faragelinta Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya waqtigaan la joogo.
ISHA-SB-MEDIA.