MW-DR.XASAN SHEEKH MAXAMUD OO FURAY KALFADHIGII 6-AAD.
(SAWIRKA)-GOLAHA SHACABKA BJFS.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare shaqadii baaxadda lahayd ee ey qabteen intii lagu gudajiray kalfadhiyadii hore ee Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa ka hadlay howlgallada lagu xoreynayo goobaha ey Khawaarijtu kaga suganyihiin dalka, isagoo ammaanay Ciidamada Qalabka Sida, Xoogagga Difaaca Shacabka Soomaaliyeed ee Macawisleey iyo Ciidamada Daraawiishta Puntland ee naftooda u huraya adkeynta nabadgalyada iyo ilaalinta Qarannimada, isaga oo soo bandhigay khatarta Argagixisada Daacish ee ku aaddan isu-socodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. "Waxaan garab taagannahay Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland iyo shacabka deegaannadaas oo casharro lama illaawaan ah siiyay Khawaarijta Daacish. Waa dagaal xaq ah, anagana waajib ayay inagu tahay in aan garab istaagno walaalaheenna dagaalka ugu jira xoreynta iyo soo celinta karaamadeenna". Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiisyadii siyaasadeed ee Madasha Qaranka iyo Ansixinta Baarlamaanka ee Afarta Cutub ee ugu horreeyay Dastuurka ey horseedeen Hirgelinta Qorshaha Doorashooyinka tooska ah, lagana gudbayo Doorashooyinkii Dadbanaa ee caqabadda ku ahaa Dowladnimada dalka, waxa uuna ugu baaqay Baarlamaanka in kalfadhigan lagu dhammeystiro Cutubyada dhimman ee Dastuurka, si looga gudbo khilaafaadka curyaamiyey dowlad-dhiska Soomaaliyeed. "Walaalayaal, dadka Soomaaliyeed annaga ayeey dhankeenna soo eegayaan, naguna aamineen waajibka ah in aan ka rarno meeshii ey ku raageen ee Doorashada Dadban. Waa inaan fursad u siinno in Maskaxdooda Xorowdo, Fikirkooda Xoroobo, eyna codkooda xorta ah ku soo doortaan ciddii matali lahayd. Waa garaad xumo inaan isku qancinno in loo laabto jidkii foosha xumaa ee Magacaabidda iyo Doorashooyinka Dadban". Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in guushii deyn cafinta ka dib ee dhammaadkii sanadkii 2023, xoogga la saaray sidii Soomaaliya ey uga faa’iidaysan lahayd khayraadkeeda, waxa uuna sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya eysan wax deyn ah qaadan muddadii la soo dhaafay, eyna ku dadaashay in ey beekhaansato oo isku maarayso dhaqaalaha ka yimaada canshuuraha ey bixiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna ku bogaadiyey Ganacsatada iyo guud ahaan Canshuur-bixiyayaasha Soomaaliyeed sida ey uga go'an tahay Horumarinta iyo Xasilinta dalka.
ISHA-SNTV.