MW-Dr. XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KHUDBAD KA JEEDIYEY…

(SAWIR)-KA.MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD.

(NAIROBI)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay shir sanadeedka Madaxweynayaasha Afrika iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Afrika ee ka dhacay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya. Shirkan oo diiradda lagu saaray dib u habeynta qaab dhismeedka Maaliyadeed ee Afrika iyo isbedelka Cimilada ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika kuwaaso goobta ku soo bandhigay Horumarka iyo Caqabadaha ka jiro dalalkooda si gaar ah wada shaqeynta Bangiga Horumarinta Afrika. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud oo shirkan ka hadlay ayaa Madaxda Bangiga Horumarinta Afrika uga Mahadceliyey wada shaqeynta iyo taageerada Maaliyadeed ee Soomaaliya isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ey sameyneyso horumar iyo koboc dhaqaale taaso ku timid hufnaanta hanaanka Maaliyadeed ee dalka Soomaaliya. Shirkan oo muhiim u ah dalka Soomaaliya ayaa Madaxda Bangiga Horumarinta Afrika ey xaqiijiyeen taageerada iyo wada shaqeynta Dawladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gunaanadkii shirka ka dib kulan doceed la qaatay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika ee shirka ka soo qeybgalay isagoo kala hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

WASIIRKA MAALIYADDA XFS Md.Biixi OO KA …

Next
Next

HADALKII RUTO KA YIRI WASHINGTON KENYA MAXAA KA RAACAY?