MW-DENI IYO KU XIGEENKIISA KARAASH YAA ISKU DIRAY?
(SAWIRKA)-MW- DENI IYO KU XIGEENKIISA AXMED KARAASH.
(GARAWE)-Dawlad Goboleedka Puntland waxa ey ka mid tahay labada maamul ee dalka Soomaaliya ka jira kuwooda ugu faca weyn,Puntland ayaa waxaa la aasaasay 1998-dii waxaane soo maray dhawr Madaxaweyne kuwaaso qaarkood ey geriyoodeen kuwane ey weli nool yihiin waxaane Madaxweynayashaas ka mid ah AUN-C/laahi Yuusuf Axmed,Cadde Muuse,C/raxmaan Faroole iyo C/weli Maxamed Cali Gaas, madaxdaan ayaa Puntland waxa ey ka soo taliyeen muddo dhan shan sano sida uu dhigaayo dastuurka Puntland,dhinaca kale maamulka Puntland ayaa leh Madaxweyne ku Xigeen sida maamuladda kale ee dalka ka jira marka laga reebo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,hadaba maxaa keenay iney isku dhacaan Madaxweyne Deni iyo ku Xigeenkiisa Axmed Karaash? In la arko saaxibadii shalay doonta wada saarnaay oo hadda is cunaayo ayaa waxaa u sabab ah Siyaasadda oo aan lahayn Saaxib joogta ah balse leh Danno joogta ah,mudane Axmed Karaash ayaa digniin u jeediyey MW-Siciid C/laahi Deni waxa uuna ku eedeyey Awood Maroorsi iyo Kali-talisnimo. Qoraal uu soo saaray Axmed Karaash ayaa looga digay in cawaaqib xumo ka dhalan doonto talaabo kasta oo aan heshiis lagu ahayn ee uu qaado MW-Deni taaso loo macneystay in Axmed Karaash diidan yahay in Doorashada Puntland ey ku dhacdo waqtigeeda 8/1/24-ka baarlamaanka hadda jirane uu dhammaysto waqtigiisa ku eg 31/12/23-ka. Md.Axmed Karaash ayaa bulshada reer Puntand u cadeeyey in haddii MW-Deni uu qaado talaabo aan wada ogol ahayn taabanayana arrimo Masiiri ah wixii ka dhashaa uu masuuliyadeeda iska leeyahay MW-Deni.
ISHA/SB-MEDIA.