MUSHARIXIIN ISU SOO TAGAY QABASHADA XILKA XOGHAYA GUUD EE QM.
(SAWIRKA)-LIXDA MUSHARAX EE U TARTAMAYO XILKA XOGHAYAHA GUUD EE QM.
(NEW YORK/USA)-Tartanka loogu jiro doorashada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (QM) ee soo socda ayaa galaya marxalad muhiim ah Khamiista maanta ah, iyadoo lix musharrax ay ka qayb qaadan doonaan dood dadweyne ka hor geeddi-socodka rasmiga ah ee xulashada, kaas oo bilaaban doona toddobaadka soo socda. Munaasabadda 90-ka daqiiqo ah, oo lagu qaban doono Hoolka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo uu baahin doono Bloomberg , ayaa u oggolaan doonta diblomaasiyiinta, shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo wakiillada bulshada rayidka ah inay su'aalo ka weydiiyaan musharixiinta sida ay u hoggaamin doonaan hay'adda caalamiga ah iyadoo ay sii kordhayaan caqabadaha dhaqaale iyo siyaasadeed. Musharixiinta ayaa kala ah Madaxweynihii hore ee Senegal Macky Sall, Madaxweynihii hore ee Chile Michelle Bachelet, María Fernanda Espinosa oo u dhalatay Ecuador, Rafael Grossi oo u dhalasay Argentina, Rebeca Grynspan oo u dhalatay Costa Rica iyo Carolyn Rodrigues-Birkett oo u dhalatay Guyana. Mid ka mid ah ayaa xilka kala wareegi doonta Xoghayaha Guud António Guterres marka uu waqtigiisu dhammaado Diseembar 31. Madaxweynaha Golaha Guud Annalena Baerbock ayaa sheegtay in dooddu ay u oggolaan doonto bulshada caalamku inay si toos ah uga dhageysato dadka u tartamaya jagada ugu sarreysa ee Qaramada Midoobay. "Dunida sii kala qaybsanaysa, Qaramada Midoobay uma baahna oo keliya maamule madaxeed oo heer sare ah kaas oo ka dhigi doona ururka mid ku habboon qarniga 21aad, laakiin sidoo kale hoggaanka iyo daacadnimada qof diyaar u ah inuu si xooggan u difaaco Axdiga Qaramada Midoobay iyo dhammaan saddexda tiir," ayuu Baerbock ku yiri bayaan uu soo saaray. Lixda musharrax ayaa horey uga soo hor muuqday wakiillada 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, iyagoo wada-hadallo aan rasmi ahayn oo taxane ah ka yeeshay. Inta lagu guda jiray kalfadhiyada, dad badan ayaa ku baaqay in la sameeyo dib-u-habayn degdeg ah, hufnaan ballaaran iyo door firfircoon oo Qaramada Midoobay ka qaadato dadaallada lagu joojinayo laguna xallinayo khilaafaadka. Hadda fiiro gaar ah ayaa loo yeelan doonaa Golaha Amniga, kaas oo la filayo inuu qabto codbixintiisii ugu horreysay ee qarsoodiga ahayd Luulyo 30. Codbixinta aan rasmiga ahayn waxaa loogu talagalay in lagu cabbiro heerka taageerada musharrax kasta ka hor inta uusan Golaha dejin hal magac oo uu ku taliyo Golaha Guud. Musharax waa inuu helaa taageerada ugu yaraan sagaal ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha, kana fogaadaa diidmada mid ka mid ah shantiisa xubnood ee joogtada ah si uu u hormariyo. Golaha Guud ayaa markaa si rasmi ah u magacaabi doona musharaxa guuleysta, kaasoo la filayo inuu xilka la wareego Janaayo 1, 2027. Tartankan ayaa dib u cusbooneysiiyay baaqyada ku aaddan in Qaramada Midoobay ay magacawdo Xoghayihii Guud ee ugu horreeyay ee haweeney ah iyo in jagadaas loo dhiibo musharrax ka soo jeeda Latin Ameerika, iyadoo la raacayo dhaqanka muddada dheer ee ururka ee ah inuu jagada u wareejiyo gobollada.
ISHA-EV.