MUQDISHO MA MADFAC BEEY LAQDAY IGA MAAJISAYE?

(SAWIRKA)-CAASIMADAHA.

(MUQDISHO)-BaL ADIGUBA IS QABADSII:

Waxa aan la wada soconaa in Todobaadkii hore maanta oo kale oo Arbaca ah kuna beegneed 4/3/2026-ka in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu Ansixiyey Dastuurka Wax ka bedelka lagu sameeyey, hadaba Dastuurkaasi ayaa waxaa qeyb ka ahaa Maqaamka ey leedahay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaane arrinkaasi ka dhashay doodo fara badan ka dib markii la arkay Maqaamka la siieyey caasimadda Muqdisho, hadaba Prof.Yaxye Sheekh Sheekh Caamir Sheekh Ibraahim Yare kana mid ah Aqoonyahanadda dalka Soomaaliya kuna sugan Muqdisho, kuna caan ah run ka sheegidda arrimaha markaasi ayaa boggiisa Facebook waxa maanta ku soo daabacay Qoraal aad u dheer uuna kaga hadlaayo Maqaamka Caasimadda Muqdisho uu siiyey Dastuurka wax ka bedelka lagu sameeyey, Qoraalkuna waxa uu u qornaay sidan: Mogdishu, waxa ay aheyd Hal Degmo oo kaliya oo ka tirsan Gobalkii Banadir. Halkii Gobal waxaa loo qeybiyay Saddax Gobal. Halkii Degmo ee Mogdishu waxa laga dhigay Dhowr degmo. Markii ay Facood ka hareen Banadir iyo Hiiraan. Mogdishu waxa la yiri: Waa Caasimad, waa magaala madaxda Gobal, waa Degmo leh Hal duq magaalo. Iyada oo Intaa lagu wareersan yahay, ayaa Dadkeedu waxa ay muujiyeen Xaqa ay u leeyihiin in ay State Noqoto. Baarlamanka ayaa la geeyay Labo soo jeedin, waa laga dooday, waxaa Doodu u badatay in laga dhigo Banadir State. Maalintii loo codeeyn lahaa, Labadii Qodob, midna lama keenin Baarlaamnka, waxaa la keenay Soo jeedin Cusub oo dhicis ah, iyada oo aan laga doodin sida sharcigu qabo ayaa lagu dhax qariyay Qodobadii hore. Codeeyn wadareed ayeey ku dhax dhacday. Xildhibaanadii Deegaan ahaan u doodi lahaa ayaa Biyo Qaboow lagu kuday. Senatooradii ayaa isa suuxiyay, Duubabkii deegaanka ayaa Daaqadda ka baxay, markii Damacooda iyo Danta Dadkooda ay isku miisaameen, kala doorashaduna ay noqotay, Daaro, Dollar, Dalxiis dibadaa, Danta Dadkaaga, Dowlad ka ag dawarso ay kala dooransiiyeen.

INTEEY WAX ISKA QABAN LA’AYIHIIN?

(1)- Waxaa Degmoyinka Mogadishu laga doortay Gole Degmo iyada oo degmooyinka Qaarna laga tagay, qaarna wax laga Doortay, macnaha Degmo ayaad tahay laakin, Gole yeela ma kartid, inta Golaha lehna Xildhibaan Xaafadeedkooda ayaa kala badan. Xisbiyo Usbuucya gudahood la diiwaan galiyay ayaa ku guuleeystay Xildhibaan Xaafadeed. Waxaa la sii raaciyay Gudoomiyaha Degmada Shacabku Toos u doora maayo ee waxaa dooranaa, Xildhobaan Xaafadeedyada ayna qaarkooda Xaafadaba deganeeyn,Codka Doorashada Gudoomiyaha Degmaduna waxa uu noqon Doonaa Xodxodasho iyo Xoolo ma leedahay. Weli dhiiqdaa Xal looma hayo. Si la isku doorto ayaa la la' yahay, welina lamaba dhaarin, kala tagana waa suuragal.

(2)-Qodobka aan laga doodin ee lagu dhax lifaaqay u codeeyntii Dastuurka, ayaa leh: Mogadishu "Banadir State" ma ahan ee waa Magaalo Mugdi ku nool ah. Waxa ay yeelanee Duq Magaalo, waxaana Dooranayo 97 Xildhibaan Magaalo ee ma dooranayaan Xildhibaan Xaafdeedku, Shacabkuna toos uma dooranayaan. Hadhoow, waxa uu shacabka ku dhihi karaa Adinku Shacaboow ima dooranina ee Anigaa farsameeystay sidii aan cod uga dhax heli lahaa 97-da Xildhibaan Magaalo. Awoodda Duqa Magaaladu waa in uu ku ekaado Maamulka Dakhliyada, Qoondada Baadda Federaalka in uu Dadka Magaalada ka soo toxbiyo, Nadaafadda, dhul cabirka iyo wixii kale ee loo ogolaado.

(3)- Waxaa jirayo Gudoomiye Gobal oo aan la dooraneeyn kaa oo Dowladda dhexe ay toos u soo magacaabee. Sida Dastuurka ku cad waxa uu masuul ka yahay Nabad galyada, Siyaasadda iyo Howla kale oo dib laga soo sheegi doono. Ninkaan la soo magacaabay waxa uu Magaalada uga awood badan yahay kii la yiri, Magaaladaa Dooratay, Gudoomiyaha gobalku, waxa uu xakumaa Amniga sida Saldhigyada, Police - ka iyo Nabad sugidda Heer Gobal, Siyaasad iyo Xiriirada Caalamka iyo Federaalka, intaa loo magacaawday ayuu ku matalaa Ciddii u magacaawday ileyn isaga lama doorane. Haddii ay is qabtaan Duqa Magaaladda ee la doortay iyo Gudoomiyaha Federaalku Magacaabatay, waxaaba suura gal ah in uu xiro ama loo Awood sheegto Duqa Magaaladda oo Sacabooley ah. Dhaqaalihii uu ku shaqeynayo Gudoomiyaha Gobalku waxa uu ka rabaa Canshuurta uu soo uruiyo Duqa Magaaladu. Kaba sii daran, waxa la yiri: Magaaladda Hoogtay, waxa ay Xubno ku yeelanee Aqalka Sare, waxaa la leeyahay 3 ama 8. Waxaa ay noqonayaan kuwo soo Xulidooda Dadka deeganku aynan shaqo ku leheyn, waxaa Wadar Xulanayo Dowladda Dhexe iyo Gudoomiyaha Magaalada ee Dowladdu soo magacaawday.

Mogdishu iga maajisaye, ma Madfaceey liqday?.

Ma musiibo mina laahi ah ayaa heeysato?.

Ma Mariidaa Saaqay?.

Ma Xildhibaanadeeda iyo Senatoorateeda heer Qaran iyo Doobabkeedii, ayaa i waraabso ee i wado, wada noqday?. Ma Dadkeedii ayaa Damiino noqday iskana ogolaaday Taada kula lihi teeydana Aneeys kale? Ma Anigaa kuu joogo oo xuquuqdaada ku sarifanaa Danteeyda gaarka ah, Jiilka Mustaqbalkana Abaaydood Alla ha ku xiriiriyo ayaa Dig soo tiri. Bal Adiguba is qabadsii, Dad dulman, Dana Dad gaaraa, Dulmane Damiin ah, Doorkii mooge Duub ah, Xildhibaan Xishood laawe ah. Maamul la isku milqiyay, wax Ogaasho Dambi ah, Runta oo Madi noqotay.

XIGASHO-Prof.YAXYE CAAMIR.

Previous
Previous

DAGAALKA BARIGA DHEXE HADDII UU DHAMMAADO MAXAA XIGA?

Next
Next

XILDHIBAANADA PUNTLAND EE HEER FEDERAAL QAARKOOD OO DHULKA LAGU JIIDAY.