MUCAARADKA MUQDISHO OO KA HORYIMID DOORASHADA BERRI.
(SAWIRKA)-MUCAARADKA MUQDISHO.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Golaha Samatabixinta Qaranka ayaa si adag uga hadlay doorashada Golaha Degaanka Gobolka Banaadir ee lagu wado inay berrito ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay mid aan ahayn doorasho xor iyo xalaal ah, balse ah qorshe hal dhinac iyo hal xisbi uu wato, laguna marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed. Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in doorashada la qorsheeyay ay tahay mid hal dhinac u raran, isla markaana aan ku dhisneyn nidaam dastuuri ah iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee saxda ah. Kheyre ayaa tilmaamay in markii hore ay isdiiwaangeliyeen 61 urur siyaasadeed, balse ay hadda kusoo hareen wax ka yar 20 urur, kadib markii ururradii kale ay fahmeen in doorashadu tahay qorshe gaar ah oo hal xisbi u adeegaya. “Qof kasta oo si niyad wanaag ah isku dayay inuu ka qeyb qaato, wuxuu garwaaqsaday in arrintu aysan ahayn tartan furan, balse ay tahay nidaam hal xisbi wata, Inta hartayna haddii ay aragti ka dhiibtaan ama ka run sheegaan, waxa ay wajahayaan caburin iyo xarig,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre, isagoo sidoo kale ku eedeeyay guddiga doorashada inay u adeegayaan madaxtooyada, islamarkaana aysan ahayn hay’ad madax-bannaan. Dhinaca kale, Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna sheegay in maqaamka caasimadda Muqdisho uu ka sarreeyo doorasho uu ku tilmaamay “boob” iyo mid aan heshiis lagu ahayn. Sheekh Shariif ayaa xusay in doorasho dhab ah ay ku imaan karto oo keliya marka ay dad kala aragti duwan ku heshiiyaan hanaanka loo marayo, balse arrinta hadda socota ay tahay doorasho hal koox wadata. Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ka digay in doorashadan ay horseedi karto isku dhacyo siyaasadeed, kala qeybsanaan bulsho iyo mid qabaa’il, isla markaana ay noqoto doorasho aan la aqbalin natiijadeeda. Wuxuu intaa ku daray in waqtiga, awoodda iyo dhaqaalaha lagu bixiyay doorashadan ay ahayd in lagu bixiyo meel ku habboon oo dalka dan u ah. Golaha Samatabixinta Qaranka ayaa ugu dambeyn sheegay in waxa ka socda Muqdisho aysan ahayn doorasho sharci ah, balse ay tahay mid laga leeyahay ujeeddo gaar ah, isla markaana ay la xiriirto waqti kororsi, arrintaas oo ay si cad u sheegeen inaan marnaba la aqbali karin, maadaama uu waqtiga dastuuriga ah ee dowladda yahay afar sano.
XIGASHO-HOL.