(MUUQAALKA)-GOLE.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa mabda’ ahaan soo dhaweysay gogosha wada-hadalka ee uu soo jeediyay Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), hase yeeshee waxay si cad u diiday gogol uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay qodobbo kasoo baxay kulamadii madasha ee ka dhacay Hotel Jazeera. Xogaha hordhaca ah ee Gaylan Media ay heshay ayaa sidoo kale sheegaya in shirkii mucaaradka lagu diiday aqbalidda farriin uu Xasan Sheekh u dhexmaray dhinacyo mucaaradka ka tirsan, kuwaas oo loo arkayay inay u dabacsan yihiin damaciisa doorasho. Dhinacyadii Villa Somalia la xiriirtay ayaa la sheegay inay weli ka fikirayaan sidii ay jawaab gaar ah uga bixin lahaayeen farriinta, ka dib markii ay ku adkaatay inay ku qanciyaan xubnaha kale ee mucaaradka. Qodobada kasoo baxay kulamada Madasha Samatabixinta ayaa lagu sheegay in hoggaanka madashu ay raalli-gelin rasmi ah ka bixiyeen hadallo xanaf leh oo kulankii habeen hore kasoo gaaray Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon, kuwaas oo ay ku dhawaaqeen inay ka xun yihiin. Madashu waxay sheegtay inay aaminsan tahay in wada-hadalku yahay jidka keliya ee lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, iyadoo mabda’ ahaan soo dhaweysay gogosha uu Saacid hormuudka ka yahay, balse ay diidday gogol uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale, xubnaha madasha ayaa isku raacay in waqti iyo farsamo dheeraad ah la geliyo sidii loo abuuri lahaa jawi wada-hadal oo lagu kalsoonaan karo, kaas oo ay dhammaan dhinacyadu si dhab ah uga qayb qaadan karaan. Ugu dambeyn, Madasha Samatabixinta ayaa mahadcelin u dirtay Ra’iisul Wasaare Saacid iyo xubnihii ku wehliyay wada-hadallada, iyadoo ku bogaadisay doorkii nabaddoonnimo ee ay ka qaateen dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.
ISHA-RISAALA.