MUCAARADKA IYO DFS OO SHIR UGA FURMAY MUQDISHO.

(SAWIRKA)JADWALKA WADA HADALADDA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wafdi ka socda Dowladda Turkiga ayaa lagu wadaa inuu Talaadada maanta la kulmo guddiyo kala metelaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, ka hor inta aan Arbacada si rasmi ah u bilaaban wada-hadallo fool ka fool ah oo ay garwadeen ka yihiin wakiillo reer Galbeed ah, sida ay sheegeen ilo ku dhow geeddi-socodka. Kulamadan ayaa imaanaya ka dib dadaallo diblomaasiyadeed oo hore loogu doonayay in lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, balse aan lagu guuleysan in la gaaro is-afgarad u dhexeeya dhinacyada is haya. Mucaaradka, oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa hore u diiday inay ka qeybgalaan wada-hadallo uu Turkigu si gaar ah u hoggaaminayo. Waxay ku doodeen in Ankara aysan ahayn dhexdhexaadiye ay labada dhinac si isku mid ah ugu kalsoon yihiin. Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Turkigu uu markan wada shaqeyn la sameynayo wakiillo reer Galbeed ah, iyadoo la doonayo in la abuuro hannaan ay dowladda iyo mucaaradkuba ku kalsoonaadaan, isla markaana kor loogu qaado fursadaha lagu gaari karo heshiis siyaasadeed. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in mas'uuliyiinta Turkigu ay qiimeyn u gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo lagu muujiyay walaac ku saabsan in xaaladda siyaasadeed ay sii adkaan karto haddii aan heshiis loo dhan yahay laga gaarin arrimaha doorashooyinka ka hor bisha Oktoobar 2026. Ilaa iyo hadda, Dowladda Turkiga iyo Madaxtooyada Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan hadlin wararka la xiriira qiimeynta la sheegay in loo gudbiyay madaxda dowladda. Dadaalladan ayaa qayb ka ah isku-dayo ay taageerayaan dhinacyo caalami ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro ismari-waaga siyaasadeed ee hareeyay geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafka sii jiitama uu horseedi karo xasillooni darro siyaasadeed haddii aan xal laga gaarin bilaha soo socda. Kulanka maanta dhacay ayaa waxaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ku metelaayey masuuliyiinta kala ah ”Reysal Wasaare Ku-xigeenka 1-aad Md.Xil.Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha Xil.Cali Yusuf Xoosh iyo Wasiirka Cadaaladda Mudane Xasan Macallin Maxamuud”. Dhinaca Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa waxaa metelaayey: (1)-Xil.C/raxman C.shakur Warsame. (2)-C/raxman Cetnte. (3)-Xil.C/lahi Maxamed Cali Sambalooshe, masuuliyiintaan ayaa dhammaantood isku heyb ah kana soo wada jeedo Beesha Hawiye, waxaane ka maqan masuuliyiintii meteleysay Madaxda DG Jubaland iyo Puntland kalana ah;(1)-Ex.Wasiir Dhabancad(PL). (2)-Xil.C/rashiid Jire(JL). Waxaa iyagana maanta joogay fadhiga uu Turkigu garwadeenka ka ahaay masuuliyiin la sheegay iney metelaayeen Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Md.Xil.Maxamed C/lahi Farmajo waxaane ka mid ahaa: (1)-Ex.Wasiir.Maxamed C/risaaq. (2)-C/casiis Cabdi Abshir-La taliye hore. (3)-Xil.C/shakur Cali Mire. (4)-Ex Wasiir Siciid Xuseen Ciid. (5)-Ex.Wasiir.C/raxman Kulmiye Xirsi. (6)-Xil.Xasan C/nur. (7)-Garyaqaan-Xuseen cabdi Cilmi. Shirka maanta furmay ayaa lagu wadaan in lagu dhiso gudiyo farsamo oo diyaarinaayo Ajandaha kulanka,balse waxaa jirta aragtiyo is diidan ey kala qabaan DFS iyo Mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, aragtiyada jit=ra ayaa kala ah: (1)-DFS waxa ey dooneysaa in dalka ey dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah. (2)- Mucaaradka ku mideysan daladda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa doonaayo in dalka ey ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah kuna saleysan nidaamka (4.5),hadaba lama oga sida ey isugu dhawaan karaan labadaan garab siyaasadeed.

ISHA-WAKALADDO.

Previous
Previous

DEGMADA RAMSEY OO LAGA EED SHEEGTAY SOOMAALIDA.

Next
Next

XULKA ARGENTINA OO KAN MASAR KAGA ADKAADAY(3-2).