M/MULKA G/BANADIR OO FASAXAY BANAANBAXA MUCAARADKA EE BERRI.
(SAWIRKA)-AFHAYEEN SAALAX DHEERE.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu oggolaaday dibadbaxa ay mucaaradka Soomaaliya qorsheeyeen inay ka dhigaan magaalada Muqdisho 4-ta Juun, isagoo ku adkeeyay in isu-soo-baxa uu noqdo mid nabadeed isla markaana lagu qabto goobo cayiman oo loo asteeyay. Qoraal uu warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere), ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, uu fasaxay qabashada dibadbaxa isagoo tixraacaya mabaadi’da dimuqraadiyadda, xorriyadda hadalka iyo xorriyadda isu imaatinka ee ku cad dastuurka dalka. Maamulka ayaa sheegay in go’aanka lagu saleeyay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta ee cabbirashada aragtidooda siyaasadeed, iyadoo isla markaana la ilaalinayo amniga, ganacsiga iyo howlaha ka socda caasimadda. Sida lagu sheegay bayaanka, dibadbaxa waxaa loo asteeyay saddex goobood oo kala ah garoonka Injineer Yariisow (Ex-Koonis) ee degmada Cabdicasiis, garoonka Stadium Muqdisho ee degmada Wardhiigley iyo garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan. Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in xulashada goobahan ay ujeeddadeedu tahay in si sahlan loo sugo amniga dadka ka qeyb galaya dibadbaxa, isla markaana looga hortago xaalado amni darro ama qalalaase sababi kara khalkhal ku yimaada magaalada. Maamulka Banaadir ayaa sidoo kale ku booriyay dibadbaxayaasha inay ka fogaadaan falal rabshado wata, xiritaanka waddooyinka muhiimka ah iyo waxyeellaynta hantida guud iyo tan gaarka loo leeyahay.
ISHA-HOL.