MINNESOTA OO SANNADKAAN UU KA JIRO TARTAN DOORASHO OO AAD U ADAG.
(SAWIRKA)-TARTAMAYAASHA MINNESOTA.
(MINNESOTA/USA)-Wararka aan ka heleyno Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in halkaasi ey si diiran uga socoto u diyaargarawga Doorashafa Golayaasha degaanka, waxaane sannadkaan si aad ah u adag Doorashada bacdmaa ey jiraan Tartamayaal cusub oo doonaayo iney xilal ka qabtaan raba degmooyinka Gobola Minnesota ee dalka Maraykanka, hadaba Waxaa bisha soo socota ee November 4-teeda gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ka dhacaysa doorasho, ey ka qeybgelayaan siyaasiyiin Soomaali ah waxa eyna u tartamayaan kuraasta ugu adag ama loogu hadal haynta baddan yahay. Musharixiinta Soomaaliyeed ee loolanka ugu jira doorashooyin ka dhacaya labadda magaalo ee Minneapolis iyo Bloomington ee Gobolka Minnesota ayaa kala ah:
(1)-Cumar Fatex: Senator Cumar Fatex oo ah Siyaasi da'yar oo hadda ka ah Senator Gobolka Minnesota ayaa isagu u tartamaya kursiga Duqa Magaaladda Minneapolis. Cumar Fatex ayaa ah mid ka mid ah musharixiinta iyo Siyaasiyiinta ugu cad-cad ee la filayo in uu guul taariikhi ah soo hooyo. Halkan ka akhri qorshaha uu ku tartamayo musharax Cumar Fatex. https://www.fatehformayor.com/ .
(2)-Isaak Rooble: Musharax Isaak Rooble oo ka mid ah Ganacsatadda Gobolka Minnesota ayaa isagu u tartamaya qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha deegaanka degmadda 4-aad ee magaaladda Bloomington ee Gobolka Minnesota. Halkan ka akhri qorshaha uu ku tartamayo musharax Isaak Rooble https://www.vote4isaak.com/ .
(3)-Jamal Cusman: Jamal Osman oo isagu hadda ah Guddoomiyaha Golaha deegaanka degmadda 6-aad ee magaaladda Minneapolis. Jamal Cusman ayaa laba jeer oo hore loo doortay kursigan, wuxuuna u tartamayaa markii saddexaad. Halkan ka akhri qorshaha uu ku tartamayo musharax Jamal Osman https://www.jamalosman.org/ .
(4)-Maxamud Xasan (BBC): Musharax Maxamud Xasan oo loo yaqaano BBC ayaa isaguna u tartamaya hanashadda kursiga Guddoomiyaha Golaha deegaanka degmadda 6-aad ee magaaladda Minneapolis. Maxamud BBC oo isagu Arrimaha bulshadda u ololeeya ayaa markale u tartamaya kursigan isaga oo la tartamaya Jamal Cusman oo isagu hadda kursiga ku fadhiya. Halkan ka akhri qorshaha uu ku tartamayo musharax Mohamoud BBC https://mohamoudforward6.com/. Tartanka Doorashooyinka Golaha Dgaanka ee Gobolka Minnesota ayaa sannadkaan ah mid si aad ah u leh xiiso gaar ah,tusaale ahaan Duqa Magaaladda Minneapolis kaliyah waxaa u tartamaayo ilaa iyo shan iyo Toban Musharax uu ka mid yahay Cumara Fatex iyo ninka hadda xilka haayo ee Jacob Frey. Xilka Duqa Minneapolis shaqsiga ugu da’a yar ee u tartamaayo ayaa ah mid ey da’adiisu tahay 30-sano jir. Maxamud Xasan iyo Jamaal Cusmaan oo tartamaayo degmada Lixaad ayey da’adoodu kala tahay Maxamud 51-jir halka Jamaal uu yahay 41-jir.
XIGSHO-TUSMO TIMES.