MINNEAPOLIS:-SEDDEX TOOGASHO OO DHACAY MUDDO DHAN 20-DAQIIQO GUDAHEEDA.
(SAWIRKA)-HALKA EY TOOGASHADA KA DHACDAY.
(MINNEAPOLIS/US)-Booliska magaaladda Minneapolis ayaa sheegay in ay baarayaan saddex toogasho oo kala duwan oo mudo 20 daqiiqadood gudahood ka dhacay magaaladda Minneapolis habeenimadii Khamiista. Toogashooyinkan kala duwan ayaa ka dhacay saddex goobood oo kala duwan. Dhacdooyinkan toogashadda ah ayey booliisku sheegeen in ay ka dhaceen goobahan hoos ku xusan:
(1)-Ciwaanka 400 ee Wadada Taylor, Waqooyi-bari, Minneapolis (400 block of Taylor Street Northeast). Toogashadda ayaa goobtan ka dhacday abbaare 6:29 fiidnimo.
(2)-2035 Wadada West River Waqooyi, toogashaddan ayaa dhacday abbaarihii 6:36 fiidnimo.
(3)-Ciwaanka 800 ee Wadada Franklin East, toogashaddan ayaa dhacday abbaarihii 6:46 fiidnimo.
Booliisku ma aysan soo saarin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan duruufaha ku xeeran toogashooyinkan. Balse waxay sheegeen in ay socdaan baaritaano la xiriira toogashooyinkan isku xig-xiga ee dhacay. Lama sheegin in ay saddexda toogasho ay isla xiriiraan amaba yihiin isku wada xiran oo ey fuliyeen dad is yaqaano oo is raadsanaayey.
ISHA-TUSMO TIMES.