(MUUQAALKA)-LAMGALAY.
(B/WEYNE/HIIRAAN)-Ciidamada deegaanka ee loo yaqaano macawisleyda oo wata gaadiidka dagaalka islamarkana ay horkacayaan Siyaasiin iyo Ganacsato ayaa la wareegay qeybo ka mid ah xerada lama galay ee magaalada Baladweyne. Xerada lama galay ayaa u qeybsan laba qeybood oo kala ah xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan oo hadda uu degan yahay Maxamed Xuseen Maxamed oo dhawaan maamulka Hirshabeelle ay sheegeen inay xilka ka qaadeen basle diiday iyo saldhiga ciidamada xoogga dalka oo ku taalla qeybta dambe ee xerada halkaasoo hadda uu ku sugan yahay Guddoomiyaha cusub ee maamulka Hirshabeelle u soo magacabeen gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye. Sidoo kale ciidamadan ayaa la wareegay afaafka hore ee buundada Liqliqato ee magaalada Baladweyne iyagoo farisiino ka dhigtay qeybo ka mid ah xerada Lama galay gaar ahaan xarumaha Maamulka Gobolka Hiiraan. Ciidamada xoogga dalka ee ku sugnaa afaafka hore ee xerada lama galay ayaa u baneeyay ciidamadan macawisleyda iyagoona wax rasaas ah ku ridin. Ciidamada macawisleyda ee Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale farsiimo ka dhigtay banaanka Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne. Arintan ayaa ka dhalatay ka dib markii xalay la shaaciyay inuu maanta imaanayo magaalada Baladweyne Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cabdifataax Xassan Afrax iyo wafdi uu hogaaminayo. Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay inaysan duulan ku aheyn ciidamada xoogga dalka balse ay la wareegeen xarumaha maamulka Gobolka Hiiraan. "Ciidamada milatariga duulaan kuma nihin, isku cadow ayaa nahay, waxaan ugu baaqeynaya saraakiisha ciidamada xoogga dalka, kuwa nabad sugidda inaysan nagu soo xadgudbin anaga kuma xadgubeyno, basle hadii ay nagu soo xadgudban waa iska celineynaa." ayuu yiri Muumin Maxamed Xalane. Xaaladda magaalada Baladweyne ayaa hadda degan iyadoona si weyn loo hadal hayo halka uu ku dambeyn doono kacdoonkan ka dhan ah maamulka Hirshabeelle.
XIGASHO-HOL.