MAXKAMADDA RACFAANKA EE EAC OO FASAXDAY XILDHIBAANADA SOOMAALIYA.
(SAWIRKA)-XILDHIBANADA SOOMAALIYA EE EAC-DA.
(ARUSHA/TANZANIA)-Maxkamadda Racfaanka Bulshada Bariga Afrika (EAC Court of Appeal) ayaa burisay go’aamadii loogu hor istaagay in xildhibaanada ay Dowladda Soomaaliya u dooratay Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ay kuraastooda ku fariistaan. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tansaaniya iyo EAC, Ilyaas Cali Xasan, ayaa xaqiijiyay arrintan, isagoo sheegay in go’aankan uu yimid ka dib toddobaadyo ay socdeen doodo sharciyeed ah. Safiirka Soomaaliay ee Tanzania wuxuu intaa ku daray in tallaabadan ay kor u qaadeyso saameynta Soomaaliya ee gudaha Bulshada Bariga Afrika, isla markaana ay taageereyso dadaallada ay wado ee xoojinta is-dhexgalka gobolka. Bishii November sanadkan, Maxkamadda Cadaaladda Bariga Afrika (EACJ) ayaa hakisay in la dhaariyo sagaalka wakiil ee Soomaaliyeed ee Golaha Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA). Go’aankaas ayaa yimid ka dib markii aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ay cabasho ka muujiyeen sharciyadda doorashadii Muqdisho lagu qabtay, iyaga oo ku dooday in habka doorashada uu saameyn siyaasadeed ku jiray, musharrixiinta u qalma la iska indha-tiray, iyo in la jabiyay habraacyada Bulshada Bariga Afrika. Sidoo kale, cabashada ayaa lagu sheegay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista, taasoo u fududeysay shakhsiyaad dowladda ku xiran, halka musharrixiinta kale laga hor istaaga. Khilaafkan ayaa ahaa sababta Maxkamaddu u hakisay dhaarinta sagaalka wakiil ilaa dib-u-eegis buuxda laga sameeyo.
XIGASHO-HOL.