MAXKAMADDA ICC OO SOO SAARTAY WAARAN LAGU SOO QABANAAYO…
(SAWIRKA)-NETANYAHU IYO GALLANT.
(ATHENS)-Waa talaabo Taariikhi ah,Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday iney soo saartay Amar lagu soo xiraayo Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Difaaca Yoav Gallant,sabab la xiriirta dembiyo dagaal oo ey ku eedeysay iney ka fuliyeen dhulka Falastiin oo ey ku jirto Gaza. Maxkamadda Hague ee Hor-Tal Chamber ayaa sheegtay iney soo saartay amar lagu soo xiraayo laba qof, RW-Netanyahu iyo Gallant oo loo haysto dembiyo ka dhan ah bani’adanimada iyo dembiyadda dagaalka kuwaaso ey galeen intii u dhexeysay 8/10/2023-kii ilaa 20/5/2024-ka, Xeer Ilaalintu waxa ey soo gudbisay codsiyadda Waaran soo Qabasho,Saameynta sidaas,waxay sidoo kale si wadajir ah u diiday caqabadaha Isra’iil ee ku xusan qodoabadda 18-aad yo 19-aad ee Xeerka Rome ayaa lagu yiri bayaan ICC-da. Dembiyada lagu eedeeyey,Maxkamdu waxay sheegtay iney”heshay sababa macquul ah”oo lagu rumaysan karo in Netanyahu iyo Gallant “Midkastaa uu leeyahay masuuliyadda dembiyada soo socdo sida wada hawlgalayaasha fal-dembiyeedka si wadajir ah kuwa kale: Dembiyada Dagaalkaee Gaajada sida habka dagaalka,iyo demiyadda ka dhanka ah Bani’adanimada ee dil,cadaadis,iyo falal kale oo Bani’adanimada ka baxsan”. Amarkaan soo xiridda ah ee Reysal Wasaare Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Difaaca Gallant ayaa imaanayo iyadoo Isra’iil ey weerar Xasuuq ah ka geysatay Marinka Gaza kaaso dhawaan galay sannadkiisii labaad,waxaane Marinka Gaza ilaa hadda ku dhintay dad gaaraayo ilaa 44-kun qofood una badan Caruur iyo Haween,waxaane ku dhaawacmay dad gaaraayo ilaa 104-kun qofood,waxaane intaas ka badan dadka nolol iyo geeri lagu la’ayahay kuna hoos jira burburka dhismayaasha kuwaaso tiradooda lagu qiyaaso iney dhan tahay ilaa 11-kun qofood,waxa uuna dagaalka Marinka Gaza galay bishii toban iyo seddexaad amaba maalintiisii 412-aad.
ISHA-WAKAALADO.