MAXKAMADDA CQS OO HESHAY MIISAANIYADII UGU..
(SAWIRKA)-MAXKAMADA CQS.
(MUQDISHO)-Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya waxa ey ka mid tahay Maxkamadaha dalka ka hawlgala isla markaasne leh dhammaan qeybaha ey leeyihiin Maxkamadaha kale,tusaale ahaan Maxkamadda CQS waxa ey leedahay Maxkamadda Sare iyo tan Racfaan,waxa eyna qaadaa dhammaan dacwadaha la xiriiro CQS. Hadaba Maxkamadda CQS ee Soomaaliya ayaa Qoondada ugu badan ku yeelatay Miisaaniyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya marka la barbardhigo Maxkamadaha kale sida Tan Sare,tan G/Banaadir iyo tan Racfaanka. Qoondada Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ee Miisaaniyadda DFS ku leedahay waa $3,740,000,halka Maxakamadda ku xigta ee ah tan Sare ee dalka loo Qoondeeyey $2,715,177, farqiga u dhexeeyo waa $1,024,823. Maxkamadda seddexaad ee Qoonadada ugu badan ka heshay Miisaaniyadda DFS waa tan Gobolka Banaadir waxa eyna heshay $2,312,104, halka tan Racfaanka loo Qoondeeyey $1,194,399,waxaane Gudiga Adeega Garsoorka ku baxaayo dhaqaale dhan $195,192. Hayadaha kala duwan ee DFS ayaa ku kala badan Qoonadada Miisaaniyadda Guud ee dhawaan ey Ansixiyeen Golaha Wasiiradda ee XFS iyo labada Aqal ee BJFS. Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ayey hawsheedu tahay xukumidda dadka ku eedeysan dembiyadda kale ee salkoodu ku dhammaado Ciqaab Ciidan sida Ciidamadda Qalabka Sida iyo kooxaha Hubeysan(Daacish iyo Alshabaab).
ISHA-AL-MUSTAQBAL.