(MUUQAALKA)MAXKAMADA SARE EE SOOMAALIYA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanu waxba ka jirin go'aanka xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid aan waafaqsanayn Dastuurka iyo mabaadi'da madaxbannaanida garsoorka. Bayaanka ay Maxkamaddu soo saartay 5-ta Nofeembar ayay ku sheegtay inay tahay hay'adda ugu sarreysa garsoorka dalka, isla markaana ay masuul ka tahay xaqiijinta sarreynta sharciga iyo ku dhaqankiisa, iyo midnimada fasiraadda sharciga, iyadoo tixraacday qodobka 108-aad ee Dastuurkii KMG ahaa ee 2012 iyo qodobka 129-aad ee Dastuurka JFS ee 2026, iyo qodobka 5-aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka, Xeer Lr. 3 ee soo baxay 12-kii Juun 1962. Maxkamaddu waxay sheegtay in awooddeeda dastuuriga ahi ay ka mid tahay ilaalinta iyo go'aaminta dacwadaha ugu culus ee u dhexeeya hay'adaha dowladda, sida dacwadaha dastuuriga ah inta laga dhisayo Maxkamadda Dastuuriga ah, iyo murannada la xiriira go'aannada maamulka iyo doorashooyinka, iyadoo taas ku salaysay qodobbada 191(3)(a) iyo 131(7)(a) iyo (d) ee Dastuurka JFS ee 2026. Markii ay soo bandhigtay sababaha ay go'aankeeda ku salaysay, Maxkamaddu waxay sheegtay in qoraalka xil ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee lagu baahiyey bogga Facebook ee Madaxtooyada aanu lahayn qodob sharci ah oo loo cuskanayo, ujeeddadiisuna ay tahay in lagu carqaladeeyo ka garnaqista dacwadda dastuuriga ah ee ka furan Maxkamadda Sare. Waxay tilmaantay in dacwaddaasi la xiriirto arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin hannaanka wax-ka-beddelka Dastuurka, muddada xil-haynta Madaxweynaha dalka, Xukuumadda iyo Baarlamaanka Federaalka. Sidoo kale, Maxkamaddu waxay sheegtay in tallaabada Madaxtooyadu ay baalmarsan tahay mabaadi'da dastuuriga ah ee sarreynta sharciga, kala-soocidda awoodaha laamaha dowladda iyo madaxbannaanida garsoorka, iyadoo tixraacday qodobbada 3-aad iyo 4-aad ee Dastuurkii KMG ahaa ee 2012 iyo kuwa Dastuurka JFS ee 2026. Dhanka kale, Maxkamaddu waxay tixraacday qodobka 135-aad, farqaddiisa koowaad, xarafihiisa (a), (b) iyo (c), ee Dastuurka cusub, kaas oo dhigaya in magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ay ku timaaddo soo-jeedinta Golaha Sare ee Garsoorka, kaddibna ay labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku ansixiyaan aqlabiyadda xubnahooda, ugu dambayna Madaxweynaha uu ku soo saaro xeerka magacaabista. Waxay sidoo kale xustay qodobka 138-aad, farqaddiisa afraad, ee Dastuurka, kaas oo dhigaya in xil ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ay ku timaaddo soo-jeedinta Golaha Sare ee Garsoorka, kaddibna xilka looga qaadi karo cod hal dheeri ah oo ay bixiyaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wada fadhiya. Maxkamaddu waxay intaas ku dartay in aanu jirin awood Dastuurku siinayo Madaxweynaha oo uu si toos ah xilka uga qaadi karo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay inaanay waxba ka jirin cabashada lagu xusay qoraalka Madaxtooyada ee la xiriirta cabasho ay gudbiyeen garsoorayaasha dalka. Maxkamaddu waxay taa beddelkeeda sheegtay in muddadii uu Baashe Yuusuf Axmed hoggaaminayey garsoorka ay jireen guulo waaweyn oo la xiriira tayaynta garsoorka, hufnaanta iyo la dagaallanka musuqmaasuqa iyo eexda. Waxay sidoo kale sheegtay in Guddoomiyuhu ku suntanaa shaqo wanaagsan, hufnaan, ixtiraam iyo dhowrista sarreynta sharciga. Ugu dambayn, Maxkamadda Sare waxay ku dhawaaqday laba qodob: oo kale ah Inay waxba kama jiraan (baadil) tahay xil ka qaadista lagu sheegay qoraalka lagu baahiyey bogga Facebook ee Madaxtooyada iyo In Maxkamaddu farayso Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inuu ilaaliyo Dastuurka dalka, madaxbannaanida hay'adda garsoorka iyo sarreynta sharciga, isaga oo maanka ku haya inuu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha Dastuurka.
XIGASHO-HOL.