MAXKAMADA SARE EE KENYA OO GANACSADE SOOMAALIYEED U XUKUNTA LACAG DHAN $27,300.

(SAWIRKA)-MAXKAMADDA SARE EE KENYA.

(NAIROBI/KENYA)-Garsooraha Maxkamadda Sare ee dalka Kenya Bahati Mwamuye ayaa dowladda Kenya ku amray inay bixiso Ksh.3.5 milyan oo u dhiganta $27,300 USD, taaasoo ah magdhow guud iyo mid dheeraad ah oo la siinayo ganacsade lagu magacaabo Abdiqadar Omar Osman, ka dib markii si sharci-darro ah loogu masaafuriyey Soomaaliya. Maxkamaddu waxay sidoo kale sheegtay in Osman uu yahay muwaadin Kenyan ah oo dhalasho ku leh dalka, ayna ficilladii lagu qaaday yihiin kuwo sharci-darro, oo aan waafaqsanayn dastuurka. Mwamuye, wuxuu sheegay in xiritaanka Osman bishii May 2018, intuu ka soo safrayey Kampala una sii jeeday Kenya, uu ahaa mid si iskood ah loo sameeyey oo ku xadgudbay xuquuqdiisa dastuuriga ah. Qareenkiisa Danstan Omari ayaa maxkamadda u sheegay in ganacsadaha aan lagu wargelin sababaha lagu xiray, in aan loo oggolaan in uu la tashado qareen, isla markaana aan maxkamad loo soo taagin 24 saac gudahood sida uu qabo Qodobka 49 ee Dastuurka dalka Kenya. Garsooruhu wuxuu xusay in ka saarista Abdiqadar Omar Osman ee Kenya iyadoo aan la raacin habraaca sharciga ay ku xadgudubtay xuquuqdiisa xorriyadda, karaamada aadanaha iyo cadaaladda. Maxkamaddu waxay caddeysay in nin uu haysto shahaadada dhalashada Kenya iyo kaarka aqoonsiga qaran, taasoo xaqiijinaysa muwaadinnimadiisa. Sidoo kale, maxkamaddu waxay ka hadashay jahawareerka ka dhashay isku ekaanshaha magacyada qof kale, iyadoo sheegtay in fashilka hay’adaha ee xaqiijinta dukumentiyada aqoonsiga ka hor inta aan talaabo laga qaadin uu ahaa khalad maamul oo weyn. Garsooraha Mwamuye wuxuu soo saaray amar certiorari ah oo meesha ka saaray go’aankii lagu masaafuriyey ninkan. Maxkamaddu waxay sidoo kale siisay amar mandamus ah oo ku qasbaya dowladda iyo wakiilaheeda inay u oggolaadaan Abdiqadar inuu si nabad ah u galo uuna  ganacsi ka sameeyo Kenya. Intaa waxaa dheer, amar ayaa la soo saaray oo ka hortagaya hay’adaha inay Osman xirtaan, ku hayaan, masaafuriyaan ama si kale uga hor istaagaan joogitaanka iyo shaqadiisa sharci ee dalka.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

WEERAR ASKAR KU DHIMATAY OO KA DHACAY PAKISTAN.

Next
Next

SOOMAALIYA OO XUBIN KA NOQOTAY GOLAHA NABADA IYO AMNIGA EE MIDAWGA AFRIKA.