MAXKAMAD FEDERAAL AH OO CODSATAY IN LA FAAFIYO QEYB KA MID AH DACWADA ILHAN CUMAR.

(MUUQAALKA)-HOYGA ILHAN CUMAR EE WASHINGTON D.C.

(WASHINGTON/USA)-Waxa aan la wada socoona in Xildhibaanad Ilhan Cumar oo ka tirsan Aqalka Baarlamaanka Maraykanka bil ka hor la baaray hoygeeda ey ku leedahay caasimadda Washington, hadaba codsi ay qaar ka mid ah Warbaahinta iyo Idaacaddaha waa-weyn ee dalka Mareykanka gudbiyeen, ayaa sababay in Garsoore heer Federaal ah uu amar ku bixiyo in qaybo ka mid ah macluumaadka dacwadeed ee la xiriira baaritaankii lagu sameeyay guriga Xildhibaan Ilhan Cumar ee ku yaalla Washington, D.C., lana shaaciyo iyadoo laga reebayo ama la qarinayo Xogaha Xasaasiga ah ee saameeynta ku yeelan kara baaritaanka ama akhbaarka shaqsiyeed ee Ilhan Cumar iyo qoyskeeda. Go'aankan ayaa yimid ka dib dhageysi Maxkamadeed oo dhacay maanta oo ah Talaadado, kuna beegan November 17, 2026. Haddaba waxa laga war sugaaba waa in maamulka Madaxweyne Trump inay shaaciyaan oo ay warbaahinta la wadaagaan macluumaadka in ay shaaciyaan amarka lagu siiyay. Maamulka Trump ayaa arrintan ka soo horjeeda oo in mudo ah diidanaa in ay dadweynaha iyo warbaahinta la wadaagaan akhbaar ku saabsan waxa ay dacwadda lagu wado Ilhan Cumar ku salaysantahay ama baaritaanka lagu sameeyay guriga Ilhan Cumar waxa uu ku salaysan yahay.

XIGASHO-TUSMO TIMES.

Previous
Previous

EEDEYSANE SAMIT PATEL OO MAXKAMADA KA SOO MUUQDAY MAANTA.

Next
Next

WIIKA MADAXWEYNAHA UGANDA MAHUUZI OO SHEEGAY INUU U TARTAMI DOONO..