MAXKAMAD DIIDAY CODSIGII NETANYAHU,SABAB?

(SAWIRKA)-RW-NETANYAHU.

(TEL AVIV)-Maxkamad ku taal Israa’iil ayaa Jimcaha maanta ah diiday codsigii Reysal-Wasaare Benjamin Netanyahu ee ahaa in dib loo dhigo marqaatigiisa dacwaddii musuq-maasuq ee uu muddada dheer soo waday, taasoo uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump horay u codsaday in la joojiyo. Garsoorayaasha Maxkamadda degmada ayaa go'aankeeda ku sheegtay in codsiga Netanyahu "Qaabka uu hadda yahay uusan bixinayn wax sal ah ama caddayn faahfaahsan oo lagu joojinayo dhageysiga." Maalintii Khamiista, Reysal Wasaaraha, isagoo u maraya qareenkiisa, wuxuu codsaday in marqaatigiisa dhageysiyada loo qorsheeyay labada toddobaad ee soo socda dib loo dhigo iyadoo loo eegayo "isbeddellada gobolka iyo kuwa caalamiga ah" ka dib dagaalkii Israa'iil iyo Iran. Hadalka Xeer Ilaaliyaha Amit Hadad ayaa intaa ku daray: "Reysal Wasaaraha waxaa lagu qasbay inuu ku bixiyo waqtigiisa iyo dadaalkiisa oo dhan si uu u maareeyo arrimaha qaranka, diblomaasiyadda, iyo amniga ee muhiimka ah. Tan waxaa ka mid ah, waxyaabo kale, maaraynta dagaalka Gaza iyo la tacaalida arrinta maxaabiista." Arbacadii,Trump waxa uu ugu baaqay garsoorka Israa’iil iney “si deg deg ah” u joojiyaan dacwadda Netanyahu, isaga oo ku tilmaamay kiiska ka dhanka ah “dagaalyahanka” mid “ugaarsi sixir ah”. Reysal Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Mareykanka "taageerada xooggan" isagoo ka yiri masraxa X: "Aad baan uga xumahay taageerada xooggan ee aad u hayso Israa'iil iyo dadka Yuhuudda." Mid ka mid ah dacwadaha ka dhanka ah Netanyahu iyo xaaskiisa, Sara, ayaa ku eedaysay iney heleen in ka badan $260,000 oo hadiyado qaali ah, oo ey ku jiraan sigaar, dahab, iyo champagne, kuwaasoo ey ka heleen ganacsato maalqabeen ah oo ey ku beddelanayaan siyaasad. Laba kiis oo kale, Netanyahu ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu ka xaajoodo wararka wanaagsan ee xarumaha warbaahinta Isra’iil. Netanyahu, oo ah Reysal Wasaarihii ugu muddada dheeraa ee Israa'iil, ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay. Tan iyo markii Maxkamadeyntiisa ey bilaabatay May 2020, dhageysiga ayaa dhowr jeer dib loo dhigay codsigii Reysall Wasaaraha. Taageerayaashiisu waxay u haystaan Maxkamadeynta iney tahay mid siyaasadeysan.

XOGASHO-AA.

Previous
Previous

BAARLAMAANKA JARMALKA OO WAX KA BEDELAY SHARCIGA ISU KEENIDA QOYSASKA SOO GELOOTIGA.

Next
Next

ALSHABAAB OO LAGU LAAYEY DEGMADA A/YABAA.