MAXAA LOOGU WAAYEY DEB DEMIS MAGAALADA GANACSIGA EE BOOSAASO?

(SAWIRKA)-KAALINTA SHIDAALKA EE GUBATAY.

(BOSASO/PUNTLAND)-Wararka ka imaanaayo caasimadda Gobolka bari ee Dawlad Goboleedka Puntland ee Boosaaso ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka kacay deb aad u xoogan Kaalin shidaal oo lagu magacaabo OPEC oo ku taalla bartama magaalada Boosaaso. Dabkaan qabsaday kaalinta shidaal ayaa ah mid aan weli la goyn waxa uu ka kacay, kaas oo aad u fiday, islamarkaana weli lagu guuleysan in la damiyo. Dadaallo dadweynuhu waddo oo dabkan lagu daminayo ayaa ka soconaya halkaas, waxaana dadaal loogu jiraa in aanu dabku ku sii fidin goobaha kale ee ganacsiga. Magaalada Boosaaso iyo dekedda ayaa la hayn amaba uusan oolin wax dab-damis, taas oo marar badan lagu dhaliilay dowladda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid C/laahi Deni taasoo jirta muddo gaaraysa 28 sano.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

DAWLADDA SOOMAALIYA OO ISBEDEL KU SAMEYNEYSA BAASABOORKA.

Next
Next

MADAWEYNAHA BARLAMANKA CARABTA OO U HAMBALYEEYEY SOOMAALIYA.