MASUULIYIN KA SOO MUUQATAY MAXKAMADA.
(SAWIRKA)-MAXKAMADA GOBOLKA BANAADIR.
(MUQDISHO)-Dawaladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ey magaaladda Muqdisho ka waday ugaarsiga dadka ku kaca Musuq-Maasaqa kana tirsan Xukuumadda,Hanti dhawraha Qaranka ayaa Xeer ilaalinta waxa uu u gudbiyey baaritaan uu sameyey natiijadii ka soo baxday waxaane baaritaankaasi ka dhashay in xabsiga loo taxaabo dhammaan dadkii ku lug lahaay Musuaq la sheegay inuu ka jiro Wasaaradaha qaarkood. Hadaba Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah waxaa ka soo muuqaday dhawr masuul kana tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kuwaaso ku eedeysan Musuq-Maasuq.
ISHA WARKA CAASIMADDA.