MASAR OO HANJABTAY ITOOBIYA.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR.

(QAHIRA)-Hogaamiyaha dalka Masar C/fataax EL-sisi ayaa maanta oo Axad ah sheegay in dalkiisu uu garab taagan yahay dalka Soomaaliya,khilaafka kala dhexeeyo dalka Itoobiya oo aan bad lahayn,taaso Soomaaliland la gashay heshiis ey Itoobiya ku dooneyso iney ku hesho bad iyo iney saldhig ciidan ka samaysato badda eysan lahayn. Madaxweyne C/fataax EL-sisi ayaa ku gacan seyray heshiikska ey Itoobiya la gashay gobolka goono u goosadka ah ee Soomaaliland,waxa uuna Itoobiya ugu baaqay iney faa’iido ka raadsato dekedaha Soomaaliya iyo Jabuuti iyadoo loo maraayo hab ku meel gaar ah halkii ey Itoobiya isku dayi lahayd iney maamulato dhul dad kale leeyahay. “Ma ogolaaneyno in qofna uu u hanjabo dalka Sooomaaliya ama uu ku soo xadgudbo dhulkeeda”,MW-EL-sisi ayaa sidaas ka sheegay shir jaraa’id ey si wadajir ah magaaladda Qahira ugu qabteen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud. “Qofna waa inuusan isku dayin inuu u hanjabo walaalaha Masar gaar ahaan haddii walaalaheen ey inaga codsadaan inaan garab istaagno”.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

TALISKA DHEXE EE CIIDAMADA MARAYAKANKA OO SHAACIYEY…

Next
Next

MAXAA KEENAY IN ITOOBIYA SIDAN U HADASHO?