MASAR IYO ERITEREEYA OO KA HADLAY DAMACA ITOOBIYA.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNEYAASHA MASAR IYO ERITEREEYA.

(QAHIRA)-Madaxweyne Abdel-fatah El-Sisi iyo dhigiisa Eritereeya Isaias Afwerki ayaa sabtidii shalay ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee Geeska Afrika iyagoo cadeeyey in loo baahn yahay in la ixtiraamo Madax banaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya. Xiisadaha kacsan ee ka jira Gobolka Geeska Afrika ayaa sii kordhay ka dib markii Soomaliland ey bishii Janaayo ogolaatay iney 20-kiilomitir oo xeebteeda ka mid ah ka kireyso dawladda Itoobiya muddo dhan konton sannadood,Itoobiya ayaa dooneyso iney halkaasi ka sameysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi oo degaankaas ah,taaso dalka Itoobiya aan lahayn bad danaynaysay iney hesho badda Cas. Heshiiskaan ka dib,dawladda Masar waxa ey mar kale sheegtay iney garab taagan tahay dalka Soomaaliya oo ey ka taageeri doonto Amnigeeda iyo Xasiloonideeda,iyadoo dalka Masar uu ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in la ixtiraamo madax banaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya. Kulanka ey Qaahira ku yeesheen Madaxweynayaasha dalalka Masar iyo Eritereey ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay arrinta dalka Suudaan oo ayadana ah mid leh muhimadeeda gaarka ah,Suudaan ayaa dagaal ka qarxay bishii Abriil-2023-kii welina lagama gaarin xal waara.

ISHA/ALAHRAM.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO INGIRIISKA OO KA WADA HADLAY…

Next
Next

MARAYKANKA OO UGA DIGAY ISRA’IIL INEY WEERARTO BOOLISKA XAMAAS.