MARTIN GRIFFITHS OO KA HADLAY ABAARAHA SOOMAALIYA.
MARTIN GRIFFITHS.
(MUQDISHO)-Dalka Soomaaliya waxaa ka taagan Abaaro iyo dagaalo u dhexeeyo kooxda Alshabaab, dad shacaba iyo dawladda intuba waxa ey sababeen in dalku khatar adag u galo macluul baahsan,hadaba madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Samafalka iyo Gargaarka deg deg ah Martin Griffiths kuna sugan Soomaaliya waqtigaan la joogo ayaa maanta oo Isniin ah Muqdisho ku qabtay shir Jaraa’id uu kaga hadlaayo dhibaatada abaaraha ee dalka Soomaaliya waxa uuna sheegay in dalka Soomaaliya eey ku soo fool leedahay macluul ba’an,Matin Griffiths ayaa xukuumadda Soomaliya u soo bandhigay todobadkii tegay ineey ku dhawaaqdo in Soomaaliya ka jirto Macluul balse taas waxaa ka diiday DFS. Martin Griffiths waa nin Ingiriis ah oo dhashay 1951-kii(71)-jir ah,waxa uu horay u soo noqday wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay u qabilsan dalkaasi Yaman intii u dhexeeysay 16/2/2018-kii ilaa 19/7/2021-kii waane uu ku guul daraystay inuu xal u soo helo dhibaatada ka taagan dalkaasi Yaman waxa booqday dalkaasi Iraan isagoo xal u raadinaayo dhiibatada dalka yaman,bishii Meey/2021-kii ayaa loo magacaabay inuu madax ka noqdo xafiiska OCHA ee Qaramadda Midoobay,waxa uu ku hadlaa luqadaha Faransiiska iyo Ingiriiska.
ISHA WARKA AA.