MARKABKII ASANA EE LA SOO AFDUBAY TODOBAAD KA HOR OO SOO GAARAY XEEBAHA EYL.

(SAWIRKA)-MARKABKA ASANA.

(EYL/PUNTLAND)-Wararka laga helaayo Dawlad Goboleedka Puntland gaar ahaan Xeebaha degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaayo inuu halkaasi ku soo xirtay markabka Asana, kaas oo Jamcihii hore ay koox burcad-badeed ah ka soo qafaalatay xeebaha dalka Yemen. Deegaanka Maraya ayaa xalay cunto iyo hub looga qaaday kooxda haysata markabka Asana, sida uu qof deegaankaas ku sugan u sheegay warbaahinta Puntland Post. Markabkan oo ka bananayo calanka Tansaaniya waxaa saaran 20 xubnood oo shaqaale ah, kuwaas oo ay ku jiraan siddeed u dhashay dalka Jarmalka iyo 10 u dhashay Filibiin. Markabkan waa kii afraad oo muddo saddex bilood gudahood ah gacanta u gala kooxaha burcad-badeedda Soomaalida, saddex markab oo kale ayaa lagu haystaa xeebaha gobollada Bari iyo Mudug ee Puntland, kuwaas oo kooxaha soo qabsaday dalbadeen lacago madaxfurasho. Burcad-badeedda Soomaalida ayaa qalalaase ka abuuray biyaha ku teedsan xeebaha waddamada Geeska Afrika intii u dhaxaysay sannadihii 2008 iyo 2018. Ka dib muddo ay hawlahoodu hoos u dhaceen, dhaqdhaqaaqa burcad-badeedda ayaa markale dib u soo kordhay dabayaaqadii sannadkii 2023-kii.

ISHA-PP.


Previous
Previous

175-QOF OO QEYBGALAY DAWASHADA KOOBKA ADDUUNKA OO DALBADAY MEGENGALYO…

Next
Next

URURKA MIDAWGA AFRIKA OO SI ADAG ULA HADLAY DFS.