MARKABKA CAGRI BEY OO SOO GAARAY XEEBAHA SOOMAALIYA.
(SAWIRKA)-MARKABKA CAGRI BEY.
(MUQDISHO)-Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday imaatinka markabka casriga ah ee qodista shidaalka “Çağrı Bey”, kaas oo durba soo gaaray biyaha Soomaaliya, una taagan tallaabo weyn oo dhanka horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. Sida ay sheegtay Wasaaradda, markabka “Çağrı Bey” ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loogu soo dhaweeyo Dekedda Muqdisho maalinta Jimcaha, 10-ka April, munaasabad ay ka soo qayb geli doonaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, khubaro, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah. "Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareyneysaa imaatinka markabka qodista shidaalka ee “Çağrı Bey, Markabka Çağrı Bey ayaa si rasmi ah u soo gaaray biyaha Soomaaliya, isagoo qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku horumarinayso ka faa’iidaysiga kheyraadka shidaalka dalka" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda. Markabkan oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa qayb ka ah iskaashi ballaaran oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shirkado caalami ah, iyadoo ujeedadu tahay in la dardargeliyo baarista iyo soo saarista shidaalka badda, oo muddo dheer la filayay. Markabka “Çağrı Bey” waxa uu ku yimid Soomaaliya kadib qorshe muddo dheer soo socday oo isugu jiray Daraasado Seismic ah kuwaas oo lagu ogaanayay halka ay ku badan tahay suurtagalnimada goobaha laga soo saarayo shidaalka, Qiimeyn Farsamo iyo Deegaan si loo hubiyo in howlaha qodista aysan waxyeello u geysan deegaanka badda iyo Heshiisyo Sharci iyo Maalgashi oo ay wada gaareen Dowladda Soomaaliya iyo shirkadaha la shaqeynaya. Ka dib soo dhaweynta rasmiga ah, ee la filaayo in 10ka Bishaan uu kusoo xirto Dekadda Magaalada Muqdisho, markabku wuxuu si toos ah u bilaabi doonaa howlaha qodista, isagoo adeegsanaya teknoolojiyad casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah ee badbaado iyo ilaalinta deegaanka. Soo saarista shidaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay Kobciso dhaqaalaha dalka, Abuurto fursado shaqo oo ballaaran sidoo kalana ayyareyso ku tiirsanaanta deeqaha dibadda iyo inay kor u qaaddo kaabayaasha dhaqaalaha sida dekedaha iyo warshadaha. Wasaaradda Batroolka ayaa sidoo kale xaqiijisay in dhammaan howlaha lagu fulin doono si waafaqsan shuruucda dalka, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo ilaalinta deegaanka iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.
ISHA-HOL.