MAREYKANKA OO TAAGEERAY CIIDAMADDA SOOMAALIYA.

(SAWIRKA_MW-XASAN OO LA SHIRAY SIIHAYAHA SAFAARDA MARAYKANKA EE SOOMAALIYA IYO TALIYAHA HAWLGALADA EE AFRICOM.

(VILLA SOMALIA)-Wararka laga helaayo xarunta Madaxtooyada looga arrimiyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasn Sheekh Maxamuud uu kulan la qaatay Talisyada Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya iyo Hawlgalka Africom ee dalka Soomaaliya,MW-Xasan ayaa la kulmay siihayaha safaaradda Maraykanka ee dalka Soomaaliya Shane Dixon iyo Col.David J.Haskel oo taliyaha hawlgalada Africom ee Soomaaliya,dawladda Maraykanka ayaa muujisay taageeradda ku aadan dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyagoo Madaxweynaha iyo Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ku amaanay sida ey uga libin keeneen dagaalka Alshabaab,maadaama gacanta argagxisada laga saaray degaano fara badan oo istaraatiiji u ah isu socodka iyo dawladnimada Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulankan uu kala qeybgalay Taliyaha Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed uuna soo bandhigay go’aamo mideysan ee shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed ey isla qaateen kuna aadan iney iska dulqaadaan aragagixisada ciriiriga ku haysa nolosha dadka Soomaaliyeed,isagoo tilmaamay doorka horumarineed ee Soomaaliya amni ah ey ka qaadan karto Geeska Afrika. Sidoo kale,MW-Xasan Sheekh ayaa adkeeyey taageerada farsamo iyo mileteri ee saaxibadda caalamka ey ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Alshabaab,waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dawlada Soomaaliyeed ey mudan yihiin taageero ciidan oo aad umug weyn,maadaama argagixsadu yihiin aafo caalami ah oo ey tahay in lagu dabar gooyo iskaashi heer Gobol iyo mid heer Caalami.

ISHA/VILLA SOMALIA.

Previous
Previous

MUCAARADKA PUNTLAND OO KA HORYIMID….

Next
Next

YAA KA DAMBEEYEY FATAHAADII B/WEYNE?