MARAYKANKA OO SHARCIGII KALA NOQDAY GABAR UU WAALID U YAHAY QAASIM SULEYMAANI.
(SAWIRKA)-QAASIM SULEYMANI.
(WASHINGTON)-Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay xireen gabadh uu waalid u yahay Taliyihii hore ee militariga Iiraan Qaasim Soleymani ka dib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio uu kala laabtay sharcigii degenaanshaha rasmiga ah ee Green Card. "Hamideh Soleymani Afshar iyo gabadheeda hadda waxay ku jiraan gacanta Hay'adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka," ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku tiri bayaan ay soo saartay, iyadoo intaas ku dartay in Rubio ay kala laabatay kaarkooda cagaaran. Soleymani waxaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay Baqdaad bishii Janaayo 2020 xilligii uu xilka hayay Madaxweyne Donald Trump. Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in Afshar ay taageertay dowladda Iiraan iyo dacaayaddeeda. Waxay sidoo kale sheegtay in ninkeeda Afshar laga mamnuucay inuu galo Mareykanka. Xarigan ayaa yimid iyadoo dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ahaa Iiraan uu galay toddobaadkii lixaad. Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa intaa ku dartay in horraantii bishan, Rubio uu joojiyay xaaladda sharciga ah ee Fatemeh Ardeshir-Larijani, oo ah gabadha siyaasiga rug caddaaga ah ee reer Iiraan Cali Larijani, iyo ninkeeda Seyed Kalantar Motamedi. Ardeshir-Larijani iyo Motamedi hadda kuma jiraan Mareykanka waxaana laga mamnuucay inay mustaqbalka soo galaan, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Cali Larijani, oo ahaa naqshadeeyaha siyaasadda amniga ee Iiraan, ayaa bartamihii bishii Maarso lagu dilay weerar cirka ah oo ay qaadeen Mareykanka iyo Israa'iil.
ISHA-YNET GLOBAL.