MARAYKANKA OO QABTAY XUBIN KA TIRSAN ALSHABAAB.

(SAWIRKA)-XUBIN ALSHABAAB KA TIRSAN OO LAGU QABTAY MARAYKANKA,TAHRIIB AYUUNA KU SOO GALAY.

(MINNESOTA)-Wararka laga helaayo dalka Maraykanka gaar ahaan Gobolka ey ku badan yihiin Soomaalida ee Minnesota ayaa sheegaayo in halkaasi lagu qabtay Xubin ka tirsan kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya,ninkaan la qabtay kana tirsanaay kooxda Alshabaab ayaa tahriib ku soo galay dalka Maraykanka. Waaxda Socdaalka iyo Dhaqan gelinta Canshuuraha dalka Maraykanka ayaa sii deysay Natiijada Warbixinta Hawlgalo qaatay todobaad oo ey kula dagaalamayeen dembiyadda ka dhanka ah Caruurta iyo kuwa khatarta ku ah Nabadgelyada dalka Maraykanka. In ka badan 171-qofood ayaa lagu qabtay hawlgalka,103-qofood oo ka mid ah ayaa lagu helay dembiyo dilal ah,Kufsi caruur,dadka hawlgalkaasi lagu qabtay waxaa ka mid ah Qof soomaali ah oo ey Waaxda Socdaalka Maraykanka ku sheegtay inuu ka tirsan yahay Ururka Alshabaab ee ka mdagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

ISHA/BBC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

ITOOBIYA OO CODSATAY IN IGAD SHIR ISUGU TIMAAD.

Next
Next

WAA KUMA MUXYADIIN DAQARRE?