MARAYKANKA OO DHAQAALAHA KA XIRAAYO DALKA ITOOBIYA.

6ed97cbde019ad4722471d5c06fbfecd349bf695.jpeg

Tan iyo markii uu dagaalka ka bilawday goboblka tigray ee dalka Itoobiya bishii Noofembar ee sannadkii hore 2020-ka ayaa waxa soo baxay warar sheegaayo in gobolka Tigray uu ka dhacay xadgudub dhinaca xuquuqul insaanka ah oo lagula kacay dadka reer Tigray gaar ahaan dadka uu soo gaaray dhibka ugu weyn ayaa ah dumarka oo la kulmeen kufsi,jirdil iyo dil bareer ah,hadaba arrintaas ka dhacda Tigray ayaa waxa eey soo jiidatay indhaha dawladaha caalamka waxaane ka dhashay cambaareeyn iyo handadaadyo loo soo jeedinaayo dawaladda Itoobiya.Maraykanka oo ka mid ah dawladaha sida aadka ah uga hadlay arrinta Tigray ayaa sheegay inuu weydiisan doono bangiyo kala gedisan ineey joojiyaan maalgelinta dalka Itoobiya sababo la xiriiro tacadiyadii ka dhacay gobolka Tigray.

Robert Godec oo ah sii haayaha xilka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ee arrimaha Afrika ayaa senitarada u sheegay in xadgudub ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya kaasoo ku yaalo xuduuda u dhexeeyso Itoobiya iyo Eritereeya,Maraykanka ayaa waxa uu culayska saaraa sidii dalka Itoobiya loo saari lahaay cunaqabateeyn.XIGASHO WAKAALADO.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

TALYAANIGA:QAXOOTI SOOMAALI AH OO LAGA SAARAY DHISMO.

Next
Next

MARAYKANKA OO U DIGAY ETHIOPIA IYO RERITREA UNA SHEEGAY INUU….