MARAYKANKA OO 20-QOF O TARXIILAY DALKA LAYBEERIYA.
(MUUQAALKA)-CAASIMADA LAYBEERIYA EE MONROVIA.
(MONROVIA/LIBERIA)-Mareykanka ayaa 20 qof oo muhaajiriin ah u Tarxiilay dalka Liberiya, kuwaasoo Khamiista maanta ah gaaray Liberiya waxa eyna qeyb yihiin 1,200 oo muhaajiriin ah oo dalka Liberiya uu ku heli doono heshiis cusub. Dadka la masaafuriyay ayaa gaaray Garoonka Diyaaradaha ee Roberts International Airport oo ka baxsan caasimadda Monrovia. Heshiiska Liberiya iyo Mareykanka ayaa ka mid ah masaafurinta ugu weyn ee dalalka saddexaad ee uu horseedday maamulka Trump oo ka dhan ah dadka soogalootiga ah. 1,200 oo qof oo la masaafuriyay ayaa waxaa ku jiri doona muwaadiniin Afrikaan ah iyo sidoo kale muwaadiniin ka soo jeeda Waqooyiga Ameerika, Koonfurta Ameerika iyo Kariibiyaanka, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta ee Liberia Jerolinmek Piah. Wasiirka Caddaaladda ee Liberia Natu Oswald Tweh ayaa intii ay socotay warbixin kooban oo ay soo saartay Talaadadii, waxay sheegtay in dadka la masaafuriyay badankood ay galeen xadgudubyo iyo dambiyo la xiriira socdaalka, isla markaana ay magangelyo ka raadsan karaan dalka Galbeedka Afrika haddii ay rabaan. Heshiisyo badan oo qarsoodi ah, maamulka Trump ayaa kumanaan qof u masaafuriyay ku dhawaad labaatan waddan oo aan iyagu lahayn, sida ay sheegeen dadka u dooda xuquuqda aadanaha, iyadoo ilaa 10 ka mid ah ay ku sugan yihiin Afrika. Qareennada socdaalka ayaa sheegay in maamulka Trump uu u adeegsado masaafurinta dalalka saddexaad god sharci ah si uu si dadban ugu qasbo dadka magangalyo doonka ah inay dib ugu laabtaan dalalkoodii hooyo. Xaalado badan, muhaajiriinta waxaa loo masaafuriyaa waddamo aysan waligood tagin ama meelaha ay la kulmaan khataro amni, waxaana loo hayaa doorasho yar oo aan ahayn inay ku laabtaan waddamadii ay ka qaxayeen.
ISHA-AA.