MAGAALADDA BOOSAASO OO MAANTA LAGU XIRAY WARIYE SHUCEYB DAAD.

(SAWIRKA)-WARIYE SHUCEYB.

(GARAWE/PL)-Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo taariikhda xiridda Saxafiyiinta reer Puntland:- KAL XUKUNKA KOOWAAD EE DENI : (1)-13July 2019: Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa waaran la'aan xirtay suxufi Maxamed Siciid Yuusuf (Boqorka), haddana sii deysay 14 maalmood kadib, iyadoo aan wax eed ah u helin. (2)-17 October 2019: Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa waaran la'aan xirtay xirtay suxufi Axmed Sheikh Maxamed Tallman, haddana sii deysay 8 cisho kadib 25 October 2019, iyadoo wax eed ah ku weydey. (5)- February 2020: Xukuumadda Siciid Deni ayaa waaran la'aan xirtay suxufi Cumar Maxamed Soomane, oo aan wax lagu eedeeyay jirin, islamarkaana sii deysay maalintii xigtay ee 6 February 2020. (6)-September 2020: Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa waaran la'aan xirtay laba suxufi Khadar Cawl Ismaaciil iyo Cabdiqani Axmed Maxamed, haddana sii deysay 8 September 2020, iyadoo wax eed ah u weydey.(26)-December 2020: Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa waaran la'aan xirtay suxufi Kilwe Aaden Faarax, balse Siciid Deni ayaa 4 bilood kadib sheegay in uu cafis madaxweyne u fidiyay, siina daayay 22 March 2021. (11)-January 2021: Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa waaran la'aan xirtay suxufi Maxamed Cabdi Lakiman, haddana sii deysay 9 saacadood, kadib markii ay wax eed ah u heli weydey. (22)-February 2021: Dowladda Deni ayaa waaran la'aan xirtay suxufi Axmed Bootaan, haddana sii deysay maalintii xigtay ee 23 February 2021, iyadoo aan wax eed ah soo gudbin. (25)-February 2021: Xukuumadda Deni ayaa waaran la'aan xirtay weriye Cabdifitaax Cabdullaahi Faarax (Dalla’aan), haddana sii deysay 12 saacadood kadib, iyadoo aan wax eed ah u helin. (26)- November 2021: Xukuumadda Siciid Deni ayaa waaran la'aan xirtay suxufi Maxamuud Cabdirisaaq Fantaastik haddana sii deysay Todobaad kadib, iyadoo aan wax eed ah u helin.

KAL XUKUNKA LABAAD EE DENI :

(1)-14 June 2026: Xukuumadda Siciid Deni ayaa waaran la'aan xirtay weriye Maxamed Cabdinaasir Xuseen (Maxamed Nagaashe), balse sii deysay 18 June, iyadoon wax eed ah u helin. (2)-2 July 2026: Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa waaran la'aan xirtay weriye Suweys Jaamac Maxamud (Suweys Gacayte), haddana sii deysay 13 cisho kadib oo ku beegan 15 July 2026. (3)-14July 2026 Xukuumadda Deni ayaa waaran la'aan xirtay weriye Maxamed Jaamac Maxamuud, balse sii deysay, iyadoo aan wax eed ah soo bandhigin 18 July 2026. (4)-Maanta oo ku beegan 20 July 2026, Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa waaran la'aan xirtay suxufi Shucayb Daad Maxamed oo hadda ku xiran Boosaaso.

ISHA-GOOB TV.

Previous
Previous

GIANNI INFANTINO OO BOOQAN DALKA SOOMAALIYA DHAMMAADKA SANNADKAN-2026.

Next
Next

BOOLISKA TALYAANIGA OO DILAY NIN MAROOKAAN AH.