MADAXWEYNIHII HORE EE YEMAN OO GEERIYOODAY MAANTA.

(SAWIRKA)-C/RABU MANSUUR HAADI.

(RIYAD/KSA)-Ilo wareed ka tirsan dowladda Yeman ayaa u xaqiijiyay in Madaxweynihii hore ee dalka Yeman Md.Cabdirabu Mansuur Haadi uu saaka oo Khamiis ah ku geeriyooday isbitaal ku yaal caasimadda dalka Boqortooyadda Sacuudiga ee Riyadh, ka dib markii xaaladdiisa caafimaad ay ka sii dartay maalmihii la soo dhaafay. Sida laga soo xigtay ilo-wareedku, geeridiisa waxay timid maalmo ka dib markii caafimaadkiisu xumaaday, maadaama uu la ildarnaa dhibaatooyin wadne, isla markaana uu sannad walba u safri jiray Mareykanka si uu u maro baaritaannada lagama maarmaanka ah iyo dabagalka xaaladdiisa isagoo ku sugan isbitaal ku yaal Cleveland, USA. Ilo wareedka ayaa tilmaamay in uu dhowr jeer u safray Mareykanka si loogu daweeyo dhawaan iyada oo aan si cad loo shaacin, laakiin toddobaadkii ugu dambeeyay xaaladdiisa ayaa si lama filaan ah uga sii dartay ilaa uu neefta ugu dambeysay ku dhuftay lixdii subaxnimo ee Khamiista isagoo jira 80 sano. Cabdirabu Mansuur Haadi ayaa dhashay sannadkii 1945-tii waxa uuna geeriyooday 28/5/2026-ka, waxa uu ahaa Siyaasi caan ka ah dalka Yeman iyo sarkaal ka tirsan ciidamadda dalkaasi Yeman. C/rabu Mansuur Haadi ayaa horay waxa uu u soo noqday Madaxweynah Jamhuuriyadda isaga oo bedelay Madaxweynihii hore ee Yeman AUN-Cali Cabdalla Saalax,waxa uuna xilka la wareegay sannadkii 2012-kii waxa uuna xilkaasi iska casilay sannadkii 2022-kii. AUN-C/rabu Mansuur Haadi ayaa horay u soo noqday Madaxweyne ku xigeenka dalka Yeman inti u dhexeysay sannadkii 1994-tii waqtigaas uu dhacay dagaalkii labada Yeman(Koonfurta iyo Waqooyiga) ilaa sannadkii 2012-kii. AUN-C/rabu Mansuur Haadi ayaa nin ka soo jeedo Goboladda Koonfureed ee dalka Yeman, waxa uuna ahaa nin ka tirsanaay Xisbigii uu hogaaminaayey AUN-Cali Cabdalla Saalax ee dalka Yeman soo xukumaayey in muddo ah.

ISHA-WAKAALADDO.

Previous
Previous

DEGMADA DHOOBLEEY OO LAGU QABTAY TAHRIIBAYAAL REER MUQDISHA AH.

Next
Next

WASIIR CALI BALCAD OO U JAWAABAY SENITAR TED CRUZ.