MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO QAABILAY…
MW-XASAN IYO WASIIR SHINGIRO.
(SOMALIA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi Mr.Albert Shingiro ayaa maanta oo Isniin Madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriiro hawlgalka lagula dagaalamayo kooxda Alshabaab,amniga iyo mustaqbalka ciidamadda nabad ilaalinta Midawga Afrika(Atmis) ee joogo dalka Soomaaliya. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si rasmi u shaacisay in Wasiir Shingiro uu dhambaal soo gaarsiyey MW-Xasan Sheekh dhambaalkaso uu ka siday Madaxweynaha dalka Burundi Evariste Ndyishimiye. Madaxweyne Xasan ayaa uga mahad celiey dalka burundi hoostana ka xariiqay sida dalka Burundi uu kaalin muuqato uga qaatay amniga iyo deganaanshaha gobolka Geesta Afrika.
ISHA WARKA THE EAST AFRICAN.